KAA GEERAARAYA WAA INA'GEELLE WARFAA! W/Q:Khadar Ibrahim Aar

0
Friday December 24, 2021 - 12:36:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KAA GEERAARAYA WAA INA'GEELLE WARFAA! W/Q:Khadar Ibrahim Aar

    iyaga iyo Allahood'e ,Sabankii Geela lakala dhici jiray ayaa waxa layidhaa ,Afar Nin oo Walaalo ah ayaa Duullaan tegay si ay Geel cidkale ugasoo dhacsadaan,Afarta Nin Sadax waa isku Bah Ninna waa Bah'gooni.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyaga iyo Allahood'e ,Sabankii Geela lakala dhici jiray ayaa waxa layidhaa ,Afar Nin oo Walaalo ah ayaa Duullaan tegay si ay Geel cidkale ugasoo dhacsadaan,Afarta Nin Sadax waa isku Bah Ninna waa Bah'gooni.

Dagaalkii iyo Duulaankii ay qadeen markii ay kasoo Guryo noqdeen ,ayaa waxa soo geeraaray Raggi mid ka mida oo isagu Geel Shan iyo Toban Halaad iyo Baarqabkii soo dhacsaday,kadibna Dumarkii ayaa Mashxarad is hayn waayey,midkalana Faras(Gamaan) uu soo dhacsaday ayaabu korkiisa saaran yahay isna waa loo Mashxaraday,balse nin ayaa isagu dhintay ka mida Sadaxdii isku Bahda ahaa.

Ninkii Bahgoonida ahaa oo isagu aan waxba soo dhacsan ,aadna u niyad jabsan diidanna Mashxaradda Dumarka iyo farxadan meesha looga muujiyey Labadan Nin ee Dagaalka kusoo Xoolo helay ,ayaa ku Tiraabay muujinta sidii ay wax u dhaceen inuu sheego ,kuyee:

Ninkaa Geela watee-Geeraarayaa waa Ina Geelle Warfaa

Kaa Gamaanka fuushanina waa Ina Geelle Warfaa

Kaa uu Haadku Gigayna waa Ina Geelle Warfaa (waa Ninka Dhintay*)

Sadaxdaa tilmaamood markii uu israaciyey ayaa Farxadii iyo Mashxaradii ay istaagtay ilayn waakan sheegay Nin Duulaanki ku Geeriyooday'e, kadibna Baroor iyo Oohin ayay Mashxaradii iyo farxadii isu bedashay.

TALAW MAANTA MAXAA LAKALA DHACSADAA MA XISBIYADA?

Xigasho : ILAHAY HAW NAXARIISTEE XAAJI CABDIWARAABE.

Maxaad ka fahamtay Qoraalkan?
W/Q: Khadar Ibrahim Aar
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip