Mukhtaar Roobow ayaa waxa lagu tilmaama in uu ka mid ahaa ragii lafdhabarta u ahaa kooxda Al-shabaab,balse Mukhtaar Roobow waxa ugu danbaysay in uu kooxdaasi ka tirsanaado sanadkii 2013 kadib markii ay isku dhaceen hogamiyahiisii Geeriyooday Sh Axmed Cabdi Godane.
Mukhtaar Roobow ayaa hada waxa la odhan karaa waxaa ku khasbay in uu dowlada isu soo dhiibo kadib markii fadhisinadii uu deganaa ay weeraro isdaba joog ah ay kusoo qadeen Al-shabaab, kuwaasi oo ujeedadooda ugu muuhiim sani ay ahayd in ay Mukhtaar gacan ku dhigaan ama ay ka caydhiyaan deegaanka si aanu uga dhex samaysan ciidamo xoogleh.
Hadaba dadka qaar waxa ay iswaydiinayaan maxay ayaa lagu samayn karaa Mukhtaar Roobow ,ma dhici kartaa in uu ciqaab la kulmo, misse waxa uu noqon doonaa Boqor Taash iyo dalacsiin loo sameeyo,iyada oo aynu ogsoonahay in dhamaan dhalinyaradii ay Mukhtaar Roobow iyo saxiibadii ay marin habaabiyeen in midkasta lagu xukumay Dil toogasho ah.
Dad badan oo Somaliyeed ayaa aamin san in Mukhtaar Roobow iyo qayrkiiba aanay jirayn cid wax yeelaysaa,sababta oo ah waa rag si xoogle ugu tiirsan qabaa'ilka iyo reeraha ay ka dhasheen.
Mukhtaar Roobow intii aanu dawlada ku meelgaadhka ah losoo gacan galin waxa talo wadaag lasoo yeeshay Qabiilka uu ka dhashay ee Raxanwayn,waana middi uu maanta isku halaynaayo,isaga oo garawsan in aanay cid wax yeelaysaa.
Waxa kaloo la sheegayaa in Mukhtaar Roobow sida laga yeelaayo ay si gaar ah uga wadahadleen Raysal wasaare Khayre iyo Madaxwaynaha Koonfur galbeed Shariif xasan sh Aadan,taasi oo ku tusinaysa in Mukhtaar Roobow gacan amin ah uu ku jiro.
Waxa sidan oo kale isaguna wakhti hore isu soo dhiibay dawlada Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa asasayaashii ururadii kala duwanaa ee Somaliya ka hana qaaday,Xasan waxaa la odhan karaa waxa uu hada ku dangiigsanayaa(raaxaysanayaa) Guri wayn oo ku yaala magalada Muqdisho isaga iyo qoyskisiiba,iyada oo uu Xasan Daahir Aways uu ka mid ahaa horjoogayaashii iyagu dabka saaray kumaan kun oo dhalinyaro Somaliyeed oo ku lee'day dagaladii ujeedooyinka faraha badan lahaa.
Arimaha sidan oo kale ahi waxa ay keenayaan in markasta ay nabad galyo iyo nolol ay helaan kuwa iyagu madaxda ka ah kooxaha iyagu sidan oo kale ah,balse waxa aan iyagu magangalyo Qabiil iyo mid dawladeed toona aan helin dhalinyarada curdinka ah ee maalinkasta lagu Toogto magalada Muqdisho.
Dhalinyaro farabadan oo iminka iyagu xarakada Al-shabaab ka tirsan,ayaa waxa ay dareemayaan in ay iyaga iyo madaxdoodu ay yihiin kuwo aan isku mawqif ahayn,isla markaana aan wada helin cadaalad isku mida,sababta oo ah waxa ay arkayaan dhalintaasi in horjogayashoodii fikirkan Aabaha ugu ahaa ay yihiin kuwo marka ay dawladu qabato ama ay isa-soodhiibaan loodhigo Roog-cas,halka aanay awood iyo tamartoona aanay u lahayn dhalintu xataa ay isku dhibaan dawlada ama maamul goboleedyada ay kasoo jeedaan taasi oo ay ugu wacan tahay iyaga oo ka baqaaya in markaasba tiirka toogashada la taago.
Ilaa hada waxa ay dadyaw farabadan oo Somali ahi ay garan kali la'yihiin ,sababta hogaamiyaasha Al-shabaab marka la qabto ama ay isasoodhibaan qabiiloyinkooda iyo mamulada ay ka tirsan yihiin ay usoo galbeyaan sida madaxwaynaha,iyada oo dhalintii ay fikirka is-qarxinta ay ku beereena hadii la qabto ama ay isasoo dhibaan loo laynaayo.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
Waa maxay sababta horjoogayaasha Al-shabaab dawladu Rooga-Cas ugu dhigtaa,dhalinyartana Tiirka Toogashada lootagaa?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
Waxaa wakhti aan sidaasi usii fogayn garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyey iyada oo Diyaarad khaas ah lagu sido ,Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab.