Ibrahimovic: Sweden Dumar Ayaa La Ila Barbardhigaa, Yurubna Messi Iyo Cristiano Ronaldo.

0
Thursday December 26, 2013 - 13:54:59 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2010
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ibrahimovic: Sweden Dumar Ayaa La Ila Barbardhigaa, Yurubna Messi Iyo Cristiano Ronaldo.

    Zlatan Ibrahimovic ayaa aaminsan in ciyaartoyda raga ah ee kubada cagta inay u qalmaan in aqoonsi dheeri ah la siiyo marka loo barbardhigo dhigooda hablaha ee Sweden, islamarkaana ay dadku iska daayaan inay ka hadlaan sinaanta jinsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zlatan Ibrahimovic ayaa aaminsan in ciyaartoyda raga ah ee kubada cagta inay u qalmaan in aqoonsi dheeri ah la siiyo marka loo barbardhigo dhigooda hablaha ee Sweden, islamarkaana ay dadku iska daayaan inay ka hadlaan sinaanta jinsiga. Kabtanka Sweden ayaa hadlay ka dib markii xiriirka kubada cagta wadankiisa lagu weeraray abaalmarin ay siiyeen ciyaaryahanka khadka dhexe Anders Svensson kaasoo jabiyay rikoorka safashada ee Thomas Ravelli isagoo saftay 143 kulan oo heer caalami ah.

Si kastaba, markii gabadha khadka dhexe ka ciyaarta Therese Sjogran ay ku guuldareysatay in iyadana la siiyo abaalmarin la mid ah ka dib markii wadankeeda u safatay rikoor 187 kulan ah, waxa ay keentay eedeymo badan oo xiriirka loo soo jeediyo.

"Anigoo ixtiraam badan u haya shaqada ay qabteen hablaha, waxaana ay qabteen shaqo fantastik ah, isma barbardhigi kartid raga iyo hablaha kubada cagta ciyaara. Iska ilaawa sheekadaas, xitaa waa ay dhaaftay wax lagu qoslo.” ayuu weeraryahanka PSG ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Expressen.

"Marka aan Yurub joogo waxa ay ila barbardhigaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Marka aan wadankeyga ku soo laabto waxa ay ila barbardhigaan gabar kubada cagta ciyaarta.

"Anigoo ixtiraam buuxda u muujinaya hablaha, waa in lagu abaalmariyaa wax la xiriira inta ay soo saaraan dhaqaale ahaan.

"Saxaafada Sweden ayaa i weydiisay xagaagii, ciyaaryahan ahaan cida fiican anaga iyo gabadha weerarka uga ciyaarta xulka Sweden Lotta Schelin.

"Waad ila kaftameysaan, sax? Marka aan jabiyay rikooryadaas oo dhan, rikoorka gooldhalinta, goolasha xulka qaranka, yaa la ila barbardhigayaa? Ma waxaa la ila barbardgigaa qofkii rikoorkaas heystay mise hablaha?”

Sweden ayaa ku faanta sinaanta jinsiga laakiin iyadoo xulka hablaha Sweden uu ka guulo badan yahay dhigooda raga, kubada cagta raga ayaa soo jiidasho iyo taageeraba leh.

Source: Laacib
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip