(Xaalad Cusub) Madaxda Maamul Goboleedyada oo saluugsan awooda gudiga Doorashada.

0
Monday December 06, 2021 - 22:37:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Xaalad Cusub) Madaxda Maamul Goboleedyada oo saluugsan awooda gudiga Doorashada.

    Tan iyo marki ee dib loolaalay qaar kamid ah doorashada kuraas katirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa arintaa si weyn usoo dhaweeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Musharaxiinti utartami laheed kuraastaan hasa yeeshe ishortaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo marki ee dib loolaalay qaar kamid ah doorashada kuraas katirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa arintaa si weyn usoo dhaweeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Musharaxiinti utartami laheed kuraastaan hasa yeeshe ishortaaga lagu sameeyay.

Talaabada gudiga madaxa banaan qaadeen ayaa kadhigan mid abuurtay jawi ka badalan tuhunki xooganaa ee la xiriirtay hanaanka ee doorashada usocotay hasa yeeshe talaabadaani ayaa ka careysiiyay madaxda maamul goboleedyada kuwaasi oo aan ku qancin iney jirto cid wax ka dhihi karto sida ee wax umaamaamulayaan.

Hogaamiyaha Puntland Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa goor sii horeysay lagu tuhmaayay iney doonayaan in ee is hortaag kusameeyaan qaar kamid ah musharaxiin doogaan doorashadooda tahay deegaanadaasi hasa yeeshe kasoo horjeeda siyaasada Madoobe iyo Deni.

Jawiga Doorashada golaha Shacabka ayaa galay mid cakiran waxeyna tani keeni kartaa dibu dhac kuyimaado hanaanka doorashada.

Si kastaba ha ahaatee doorashada oo kudhacdo hanaan daah furnaan ayaa loo arkaa xalka kaliya ee samata bixin karo nidaamka curdunka dowladnimo ee sida qori isugu dhiibka lagu waday.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip