Gudiga Doorashooyinka oo kasoo jawaabay cabashadi Jawaari

0
Wednesday December 01, 2021 - 22:00:18 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudiga Doorashooyinka oo kasoo jawaabay cabashadi Jawaari

    Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha shacabka ee tirsiigu yahay 103, oo la ogyahay inuu dacwad kasoo gudbiyay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha shacabka ee tirsiigu yahay 103, oo la ogyahay inuu dacwad kasoo gudbiyay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Maxamed Xasan Cirro, oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa weriyayaasha u sheegay in kursigaas la hakiyay, si go’aan looga gaaro in la marsiiyay habraacii loogu talo galay.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan dadka uu kursigaan quseeyo dhammaantood, isagoo tilmaamay in ay eegidoonaan sida loo maareeyay kursiga iyo habka doorashadiisu u dhacday.

Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo qabtay doorashada kursigan todobaadkan horraantiisii, ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada heer federal in ay faro galin ku sameynayaan waajibaadkooda shaqo.

Guddigan ayaa ku andacooday musharrax aan iyaga cabasho usoo gudbin in aanay u hakindoonin doorashada, waana sababta u qabteen doorashada kursigan 103, xilli guddiga doorashadu uu amray in la hakiyo.

Raysal wasaare Rooble ayaa culays xooggan ku saaray guddiga doorashada inuu guddiyada doorashada heer dowlad goboleed kala xisaabtamo in ay ku dhaqmaan habraaca doorashada, si loo ilaaliyo hufnaanta doorashada.
Hiiraan
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip