War kasoo yeeray Ra'iisu Wasaare Rooble

0
Friday December 17, 2021 - 00:03:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War kasoo yeeray Ra'iisu Wasaare Rooble

    Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay xiritaanka shirka Heritage ee ka socday Jabuuti, ayaa sheegay inuu golaha wadatashiga qaran ugu yeeray shir looga arrinsanayo xoojinta daah furnaanta doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay xiritaanka shirka Heritage ee ka socday Jabuuti, ayaa sheegay inuu golaha wadatashiga qaran ugu yeeray shir looga arrinsanayo xoojinta daah furnaanta doorashada.


Raysal wasaaruhu wuxuu tilmaamay shirkaas inuu yahay mid looga jawaabayo dareenka ay golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha ka muujiyeen daah furnaan la’aanta doorashada, taasoo keentay in ay doorashada qaadacaan.

Raysal wasaare rooble wuxuu iska fogeeyay eedaha la xiriira inuu ka aamusan yahay cabashada doorashada iyo in ay wax wax iska beddeleen mowqifkiisii ku aadanaa qabashada doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.

"Waxaa la isweydiinayaa raysal wasaaruhu muxuu la aamusan yahay? tallow waddamaduu tagay miyaa dhabarka kasoo taabtay. Wax kale lama aamusini, waxaan ahay dherigii saddexda dhadhaab u dhaxeeyay, hadday tahay madaxda dowlad goboleedyada, musharraxiinta iyo xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri Rooble.

Raysal wuxuu sheegay in aanay jirin cid dhabarka kasoo taabatay, isagoo sheegay in si hufan doorashada loo qabanayo, wuxuuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii doorashadu ku noqon lahayd mid lagu kalsoon yahay.


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip