Qalalaase kadhacay Garoonka Muqdisho

0
Thursday April 22, 2021 - 16:03:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalalaase kadhacay Garoonka Muqdisho

    Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska horimaad keenay burbur hantiyeed uu ku dhaxmaray Gudaha Garoonka shaqaalaha waaxda socdaalka iyo waliba ciidanka nabad-sugida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska horimaad keenay burbur hantiyeed uu ku dhaxmaray Gudaha Garoonka shaqaalaha waaxda socdaalka iyo waliba ciidanka nabad-sugida.


Iska horimaadka ayaa ka dhashay sida ay weerarku sheegayaan muran la xiriira dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan.

Balse intii ay socday howshaasi ayaa la sheegay in Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay ragga Ajanbiga ah lagu wareejiyo, taasoo ay ka biyo diideen shaqaalaha waaxda socdaalka.

Iska horimaadkan ayaa sababay dhaawacyo iyo waliba burbur ku yimid miraayadihii iyo waliba kaamirooyinkii ay isticmaalayeen qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka.

Arrintan ayaa markii danbe la sheegay in ay soo faragaliyeen mas'uuliyiinta sar sare ee hay'addaha socdalka iyo waliba nabad-sugida Soomaaliya oo xaliyay shaqaaqadii dhacday.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip