Aafada fayraska Corona wax ay baxaysaa iyada oo dunidu yeelatay muuqaal aan kii hore ahayn.

0
Sunday March 22, 2020 - 19:01:02 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aafada fayraska Corona wax ay baxaysaa iyada oo dunidu yeelatay muuqaal aan kii hore ahayn.

    Aafada fayraska Corona wax ay baxaysaa iyada oo dunidu yeelatay muuqaal aan kii hore ahayn. Isbeddel laxaad leh baa ku dhacaya degaanka, bulshooyinka, dhaqaalaha iyo siyaasadaha dunida intaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aafada fayraska Corona wax ay baxaysaa iyada oo dunidu yeelatay muuqaal aan kii hore ahayn. Isbeddel laxaad leh baa ku dhacaya degaanka, bulshooyinka, dhaqaalaha iyo siyaasadaha dunida intaba.


Fayoobida degaanku waa ay fiicnaanaysaa, waayo waxaa joogsaday ama yaraaday ilihii diqowga, sida dayuuradihii, warshadihii, gaadiidkii iyo guud ahaan adeegsiga shidaalka gubashada, qiiqa iyo kulaylka leh. Dhaqaalaha dunida burbur iyo isbeddel baa ku dhacaya, dabadeed qaar baa dhakhso u soo kabanaya oo xoogaysan doona, kuwo kalena waa ay daciifi amaba musallafi. Dalalka ku tiirsan soosaaridda shidaalka xaalkoodu ma fiicna, dalal uu Sacuudigu ku jirana durba nabar culus baa gaadhay. Waxsoosaarkii warshadaha iyo suuqyadii ganacsigu heer aad u hooseeya ayay ku dhaceen.

Wacyiga iyo hab-fikirka bulshooyinka wax baa is ka beddelaya, taasina wax ay saamayn doontaa sida qolo waliba nafteeda u aragto dunida kalena u aragto. Waxaa yaraanaya ama xoogaysanaya sidii hore ee la isu saamayn jiray ama aan la isu saamayn jirin. Taasi wax ay wax ka beddelaysaa miisaanka quwadaha dunidu dadyowga ku ka la yeelanayaan. Siyaasadaha iyo xidhiidhka dawladuhu sidii hore ahaan maayo oo tusaale ahaan wax ay u badan tahay in dalal Shiinaha ka digtoonaan jiray laabta is ka ga tuuraan, kuwo Maraykanka gosha ka ga jirayna ka hoos baxaan, gaar ahaan haddii dhirbaaxada cudurkani Maraykanka ku dhuftay xanuun kululaato.

Guud ahaan saadaasha u gu xiise badani waa ta oddorosaysa in Shiinuhu heli karo fursad uu ku la wareego hoggaaminta caalamka oo noqdo awoodda kowaad. Taasi wax ay ka muuqatay kartidii iyo nadaamkii cajabta lahaa ee uu u xakameeyay masiibada cudurkan ee dalkiisa ka dillaacday, haddii tusaale ahaan loo eego Talyaaniga oo qarka u saaran in uu la dagaallanka fayraska quus ka ga faraxasho, halka Shiinuhu bilaabay in uu dunida oo dhan u gurmado. Maraykankuna in uu awooddiisa dunida ka muujiyo daa ee xitaa durba waxaa ku bilaabatay in dhaqaalihiisu dumo, siyaasaddiisuna arrimaha gudaha la rafato, isaga oo awalba dunida dib u ga soo guranayay.

Dhinaca kalena waxaa is ka jira quwado dhaqaale iyo aydoolojiyadeed, oo dahsoon ama muuqda, kuwaas oo ay shaki la'aan tahay in ay ka faa'iidaysan doonaan xaaladdan aan caadiga ahayn ee adduunku galay.

Sidaa darteed quruumaha Soomaalida taladeeda ku mushahar qaata itaal meesha uu doono ha dhigo ee waxaa waajib ah in la ga helo xarumo daraasadeed iyo maskaxo iyo indho aan hunguriga iyo caloosha ku oollin ee madaxa ku yaalla oo arrimahan eegi kara.

W-Q. Ibraahim Howd.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip