RW. Rooble iyo Dagaalada Muqdisho

0
Monday April 26, 2021 - 15:21:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW. Rooble iyo Dagaalada Muqdisho

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil gaarsiinta Moxamed Xuseen Rooble ayaa 23kii Bishan April, xilli habeen ah booqday xarunta ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, isaga oo halkaas ka shaaciyay in "Ciidanku u diyaar garoobeen ka hortagga cadowg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil gaarsiinta Moxamed Xuseen Rooble ayaa 23kii Bishan April, xilli habeen ah booqday xarunta ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, isaga oo halkaas ka shaaciyay in "Ciidanku u diyaar garoobeen ka hortagga cadowga, haddii uu yahay Alshabaab iyo haddii uu yahay mid kale oo dibadda laga soo abaabulay".


 
In kasta oo ay taaganayd cabsida ah in uu Muqdisho ka dhaco kacdoon lagu diidayo muddo kororsiga Farmaajo, haddana xaaladuu ma gaariisneyn in uu Ra’iisul wasaaruhu ku dhawaaqo dagaal loo fahmay in lagu qaadayo siyaasiyiin mucaarad ah.

"Ciidamada amniga waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda Qaran oo ay ilaaliyaan amniga shacabka iyo inay ka hortagaan khattar kasta oo dhibaato u keeni karta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho” ayuu xalay ku yiri Rooble muuqaal uu xiili dambe sii daayay.

Nuxurka farriintiisa oo uu warqad ka aqrinayay laguna qayaxay mid ka maran dareen-hoggaamineed ayaa u muuqatay mid uu kula hadlayo ciidamada oo la soo tebiyay in qaar badan oo kamid ah ay ka biya diideen ka qeybgalka dagaalka.

Rooble sooma hadal qaadin doorsho, balse waxa uu ka hadlay wadahadal inuu yahay waxa uu aaminsan yahay in wax walba lagu xallin karo, waxa uuna raaciyay in uu billaabay wada hadalka.

 
Midowga musharixiinta, ciidamada ku sugan KM4, Kuwa howlwadaag ku sugan iyo taliyeyaasha ciidanka ka horyimid muddo kororsiga oo aan saaka la wada xiriiray waxa ay ii xaqiijiyeen in uusan jirin wadahadal iyo xiriir dhexmaray mas’uuliyiinta dowladda ee xilligoodu dhamaaday.

Arrintaan ayaa muujineysa suurtagalnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka qarxo, iyada oo dadka caasimadda ay qabaan walwal weyn oo ku aaddan amnigooda.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip