Drs Xaawo Xasan Maxamed :Cudurka Polio kama jiro muddo hal sano ah Soomaaliya,

0
Tuesday August 11, 2015 - 16:21:22 in Wararka by Maxamud Sh: Axmed
  • Visits: 1597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Drs Xaawo Xasan Maxamed :Cudurka Polio kama jiro muddo hal sano ah Soomaaliya,

    Drs Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Caaafimaadka ee WHO iyo qeybta arrimaha beni'aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeyb galay xuska sana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Drs Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Caaafimaadka ee WHO iyo qeybta arrimaha beni'aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii hal sano laga waayay Soomaaliya kiis la xiriira cudurka Polio ama dabaysha, iyagoo si wada jir ah carruur Soomaaliyeed u siiyeen talaalka labo dhibcood oo ah ka hortagga cudurka dabeysha.
Dr. Buubaal oo ah madaxa Soomaaliya ee hay’adda WHO ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in halsano aan Soomaaliya laga helin cudurka dabaysha, kaddib dadaal badan oo hay’adaha caafimaadka ay arrintan ku bixiyeen

"Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xusno halsano oo aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya, waxaan xasuustaa bishii May sanadkii 2015 qiyaastii la sameeyay, waxaan u imaanay in aan ka qeyb qaadano cirib tirka cudurkan, waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo dadaalada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda cafimaadka madaxdeeda iyo shaqaalaheeda ee ku aadan cirib tirka cudurka dabaysha, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa hay’adaha dowladda soomaaliya ka taageeray cirib tirka cudurkan kuwaasoo dhamaantood ku dadaalay in mudo 12 bilood ah Soomaaliya laga waayo cudurka dabaysha” ayuu yiri Dr Buubaal.

Pitter Digler ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah isu duwaha gar gaarka beni’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa fariin ku aadan ka hortaga cudurka dabaysha u diray Waaldiinta Soomaaliyeed

"Waxaan rabaa inaan halkaan fariin ugu diro walidiinta Soomaaliyeed, fariintaas oo ah in cudurkan uusan laheyn wax dawo ah oo ay tahay oo keliya in laga hortago, waalidiinta waxaan u sheegayaa in carruurtooda ay talaalaan oo aysan carruurtooda u dhiman laba dhibic oo qura” ayuu yiri Pitter.

Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa ka hadashay marxaldihii cudurkan dabaysha uu soo maray, iyadoo sheegtay in Soomaaliya cudurkan laga cirib tiro ay dadaalkeeda kaalin weyn ka qaateen hay’adaha dhinaca caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

"Waxaan halkaan mahad balaaran ugu jeedinayaa shaqaalaha WHO oo dadaal badan noo sameeyay, waana farxad in halsano aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya waan xasuustaa sanadkii 2013-kii oo 198 carruur oo la xanuunsan aan Soomaaliya ka helnay waxay ka badnaayeen dadka adduunka oo dhan ee cudurka qaba, marka waxaan sii wadeynaa qabka aan carruurta ku talaaleyno ee looga hortago halista cudurka dabeysha” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Xaawo.


http://www.shaaciye.com/site/wp-content/uploads/2015/08/1-311.jpg
http://www.shaaciye.com/site/wp-content/uploads/2015/08/1-22.jpghttp://www.shaaciye.com/site/wp-content/uploads/2015/08/1-23.jpghttp://www.shaaciye.com/site/wp-content/uploads/2015/08/1-32.jpghttp://www.shaaciye.com/site/wp-content/uploads/2015/08/1-33.jpghttp://www.shaaciye.com/site/wp-content/uploads/2015/08/1-72.jpg
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip