Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka oo Muqdisho ayaa bayaan kasoo saaray Dagaalkii Balad-xaawo iyo Arrimaha Jubbooyinka.‏ (Sawiro)

0
Saturday May 17, 2014 - 17:08:51 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka oo Muqdisho ayaa bayaan kasoo saaray Dagaalkii Balad-xaawo iyo Arrimaha Jubbooyinka.‏ (Sawiro)

    Kulan ballaaran oo iskugu yimaadeen qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee deeganadaas gaar ahaan dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Beled-xaawo ee gobol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ballaaran oo iskugu yimaadeen qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee deeganadaas gaar ahaan dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo iyo siyaasadaha ka jira Kismaayo.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay gudiga Beesha Sade ee gobolka Banaadir iyo golaha Nabadda iyo Midnimada ee gobollada Jubba, waxaana warbixin looga dhageystay qaar kamid ah gudiga gobolka Banaadir iyo xubnaha golaha.

Dr. Cabdi Shire Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay dawladda Soomaaliya in laga doonayo inay la timaado qorshe ku aadan sidii dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan uga bixi lahaayeen dhibka isla markaana u heli lahaayeen dawlad ay ku kalsoonyihiin, isagoona dhinaca kale sheegay Xukuumadda Soomaaliya inay tahay mid aan xiligaan aan hayn wadadii dalku uga bixi lahaa dhibka.

"Dawladda Soomaaliya qorshaheeda ku aadan Jubbooyinka mugdi ayaa ku jira waa inay cadaysaa qorshaheeda, waa inuusan noqon mid hal qof jeebkiis kasoo baxay, R.W ama Mwaynaha waxaan u baahanahay inaan taageerno qorshe cad oo aan naqaan hadafkiisa” ayuu yiri Dr. Cabdi Shire Warsame

Dhanka kale wuxuu eedayn dusha uga tuuray ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Affeey , isagoo sheegay inuu ka baxay shaqadii u dirsatay IGAD isla markaana uu wado hawshii ay qaban lahayd Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Axmed Faarax Ducaale oo ku hadlayay Afka Beesha Sade ee gobolka Banaadir ayaa halkaas ka akhriyay warsaxaafadeed ka kooban dhawr Bog oo looga hadlayay aragtida beesha Sade ee ku aadan geedi socodka Nabadda ee gobollada Jubba.

Ducaale ayaa sheegay Beesha Sade inay taageersantahay heshiiskii magaalada Addis Ababa balse aysan marnaba aqbali doonin dariiqii loo maray dhamaystirka heshiiskaas, isla markaana ay go’aan cad ka taaganyihiin wax walba oo ku qornayn heshiiskaas.

Dhanka kale waxay eedayn kulul dusha uga tureen Maamulka degmada Doolow iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe oo ku eedeeyeen dhibaatada ka jirta gobolka Gedo

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip