Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Degmada Beled Xaawo

0
Monday August 29, 2016 - 15:02:36 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Degmada Beled Xaawo

    Dagaal u dhaxeeya ciidanka maamulka Jubbaland iyo sidoo kale Maleeshiyaad hubeysan ayaa saakay ka dhacay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhaxeeya ciidanka maamulka Jubbaland iyo sidoo kale Maleeshiyaad hubeysan ayaa saakay ka dhacay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamada taabacsan Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ay weerar ku qaadeen hooy ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka, taasi oo keentay in labada dhinac uu dagaal dhexmaro.

Dagaalkaan labada dhinac dhexmaray ayaa la sheegay inuu daba socdo israsaaseyn xalay ka dhacday degmada Beled Xaawo oo dhexmartay ciidamada Maleeshiyaadka iyo ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland.

Taliyaha ciidanka degmada Beled Xaawo ayaa waxa uu sheegay in ay weerar ay ku qaadeen Maleeshiyaad hubeysan oo amni daro ka waday degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa ku dhimatay dagaalka saakay ka dhacay degmada Beled Xaawo ku dhawaad 2 qof sida uu sheegay Taliyaha ciidanka degmada Beled Xaawo Cismaan Cabdi Nuur.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ay ku dhigeen 8 ka mid ah Maleeshiyaadkii ay la dagaalameen.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip