Midowga Africa oo shaaciyey xilliga Ithiopia ka baxeyso Soomaliya

0
Saturday March 10, 2012 - 09:02:05 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Africa oo shaaciyey xilliga Ithiopia ka baxeyso Soomaliya

    Midowga Afrika ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia waxa lagu go’aamiyay in dabayaaqada bisha soocota dhexdeeda ay Ciidamada Ethiopia ka baxayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Afrika ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia waxa lagu go’aamiyay in dabayaaqada bisha soocota dhexdeeda ay Ciidamada Ethiopia ka baxayaan guud ahaan dalka Soomaaliya. Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay sheegeen in goobaha ay baneeyaan Ciidamada Ethiopia lagu wareejin doono Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Midowga Afrika AMISOM, si ay u sugaan ammaanka goobahaasi.

Kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in la ballaarin doono howlgalka ay wadaan Ciidamada AMISOM taasi oo lagu baahin doono gobolada ay gacanta ku hayaan Kooxda Al Shabaab si loogu soo celiyo gacanta dowladda KMG Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ka kala socda Jabuuti, Uganda iyo Burundi ay ka howlgali doonaan gobolo dhowr ah oo ka mid ah Soomaaliya bilaha soo socda si sanadkan 2012-ka ay gacanta ugu dhigaan gobolada ay Maamulaan Al Shabaab.

Ciidamada Ethiopia ayaa la aaminsanyahay in Soomaaliya ay kusoo galeen qorshooyin dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay Magaalada Baladweyne iyo Baydhabo oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip