Sodhaweynti Qudubka Qadiriya

0
Friday June 08, 2012 - 16:37:02 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 8718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sodhaweynti Qudubka Qadiriya

    Waxa maalinimadi shalay magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi uu horkacayo Qudubka Dariiqada Qaadiriya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys Dheere oo ah sheekha ugu sareeyo dariiqada Qaadariyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalinimadi shalay magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi uu horkacayo Qudubka Dariiqada Qaadiriya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys Dheere oo ah sheekha ugu sareeyo dariiqada Qaadariyada.
Wafdiga Sheekha ayaa waxa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport sidiiran ugu soo dhaweeyay dhamaan Culuma'udiinka Ahlusunah Waljamaac oo ay horkacayaan Mudarasiin, Mucalimiin iyo dhamaan talaamiida ku abtirsada Daruuqu Suufiyah ee Ahlusunah Waljamaac.

Jawiga garoonka Muqdisho ayaa ahaa mid kaduwan sida hore loogu arki jiray iyadoo hareeraha garoonkana lasuray calanka dariiqada Qaadiriya oo hogaamiyahoodi maalinti shalay uu soo gaaray magaalada Muqdisho kadib marki diyaarad kasoo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(6).JPG
Wafdiga Sheekha oo kusugan gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi

Soo dhaweynta Sheekha oo ay ka qeyb qaateen sidoo kale mas'uuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu goob fagaare ah oo banaanka garoonka ku marxabeeyay Jameecooyinki kasoo qeybgalay isagoona mid mid ugacan qaaday,

Sidoo kale warbaahinta madaxa banaan ee kahowlgasha Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Sheekha iyagoona sitoos ah uga tabinayay idaacadaha gudaha iyo kuwa dibada.

Sheekh Axmed Sheekh Aweys, Qudubka Dariiqada Qaadiriya ayaa hadal kooban ujeediyay dadweyne tira badan oo isugu soo baxay banaanka garoonka kuwaasi oo hilow badan uqabay kadib marki sheekha mudo dalka kamaqnaa.

"Mahad oo dhan Alle ee usugnaatay isaga ayaa noo suuragaliyay inaa markale dib ugu soo laabano dalkeena oo inagoo faraxsan ku kulano ciideena, waana umahad celinaa dhamaan inti kasoo qeygashay munaasabadaan", ayuu yiri Sheekh Axmed Sheekh Aweys oo ay wajigiisa siweyn uga muuqatay shacuur farxadeed .

"Waxa jooga halkaan wakiilada dhamaan dariiqooyinka Suufiyah hadii ay ahaan laheed Wakiilada uu inoo soo diray Shiikheena Sheekh C/raxiin Sheekh Xasan Macalin , Jameecadi reer Sheekh Cabdiraxman Ow Cumar , Jameecadi reer Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan markale ku kulano dalkeena Hooyo", ayuu yiri Sheekh Axmed isagoo dhanka kalena umahad celiyay talaamiidi iyaga sida weyn usoo camiray xilqooyinka dikriga kuwaasi oo siweyn uruxay gudaha iyo banaanka garoonka Muqdisho oo qadar daqiiqado ah hakad lagaliyay sababa la xiriiro dadweynaha tirada badan ee sheekha soo dhaweenayay.

"Sidoo kale waxa umahad celinayaa imaamka Ahlusunah Waljamaac, Macalin Maxamud iyo dowlada Soomaaliya oo door muhiim ah kaqaadatay munaasabadaan hadii ay ahaan laheed ciidamada booliska, nabad sugida iyo waliba kuwa taraafikada ee sida weyn uxakameenayay hanaanka wadada"

Intaa kadib Sheekha iyo jameecooyinki kasoo qeygalay soo dhaweyntiisa ayaa waxa ay qabteen xarunta Sheekha oo kutaalo degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho halkaasi oo iyadana ay kadhacday munaasabad taariikhi ah oo ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin katirsan dowlada Soomalaiya iyo waliba madaxda dariiqooyinka Suufiyaha oo maalinti shalay aan ukala harin soo dhaweynta Sheekha.

Kadib marki la isugu soo aruuriyay xarunta Sheekh Axmed Sheekh Aweys ee degmada Xamar Jajab ayuu halkaa waxa uu warbixin dheer uu uga hadlayo safarkiisa mudada dheeraa uu dalka kaga maqnaa iyo waliba waxa iminka lagudboon Ahlusunah Waljamaac uga jeediyay dhamaan dadweynihi kasoo qeybgalay soo dhaweyntiisa.

"Alxamdulilaah Mudadi aan idinka maqnaa waxa kujiray howlaheeni qidmada diinta Alle inagoo dariiqada oo marki horeba joogtay dhulkaan geeska Afrika aan hadana kusii nashrinay wadamada deriska ah sida Kenya, Uganda, Tanzania iyo Itoobiya".

"Sidoo kale halkaan uga mahadcelinaya dhamaan qeybaha kala gedisan ee ciidanka dalka Soomaaliya oo uhoreeyo saaxibkee Jeneralk Cabdikarin Yuusuf Aadan "Dhagabadan" abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo dhamaan culimada Ahlusunah iyo xirti kaqeyb qaadatay halganki dalka looga xureeyay kooxdi jid iyo jaha diidka ahaa ee ka been sheegatay caqiidada islaamka , waxana halkaa uga tacsiyeena shuhadadi kugeeriyootay dagaalkaas"

Sidoo kale warbaahinti kaqeygashay soo dhaweynta sheekha ayaa waxey su'aalo furan goobta kuweydiiyeen hogaamiyaha Dariiqada Qaadiriya Sheekh Axmed Sheekh Aweys.

Sheekha ayaa ka jawaabay su'aal laga weydiiyay waxa ay dalka kusoo kordhin karto soo laabashadiisa kadib marki qeybo badan oo katirsan gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho laga xureeyay kooxdi Alshabaab oo dhibaatada kuhayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan culimada Ahlusuna (Daruuqu Suufiya)?

"Alxamdulilaah wax badan ayeey kusoo kordhinee soo laabashadeeda waayo waa wax iska muuqda in qof walba quluubtiisa farxad dareemayo oo soo buuxsamay garabkooda , waxana sidoo kale maanka kuheenaa inaan sii laba laabno doorkeena faafinta diinka islaamka inagoo sidoo kalena si aad ah isugu howli doono inaan dadka caamada ah aan ka tirno quluubtooda fasaa'idka caqa'idka ahaa ee kureebeen dadka kooxda khawaarijta Alshabaab".

Sheekha ayaa sidoo kale ka jawaabay su'aal la xiriirtay isbadalada dalka kasocda iyo sida ay u arkaan ka culimo ahaan gaar ahaan dowlada dhalan doonto waxa uuna yiri.

"Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in dalka Soomaaliya oo mudo dheer kujiray dagaalo iminka ay kasoo muuqato nidaam dowladnimo oo hirgaliyo waa wax lagu farxo hadii aanahay culimadi Ahlusunaha waxa waligeenba nalagu yaqaan inaan ka shaqeeno islaaxa iyo nabad kuwada noolaashaha umada Soomaaliyeed".

Sheekha ayaa sidoo kale laweydiiyay su'aal iyana kusaabsaneed shirarka Muqdisho uga socda odoyaasha dhaqanka kuwaasi oo lagu doonayo in lagu meel mariyo dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya, ka Ahlusuno ahaan sida ay u arkaan dastuurkaas bacdama uu isaga yahay ninka ugu sareeyo Dariiqada Qaadiriya?

Sheeha ayaa jawaabta su'aashaas uga gaabsaday in la weydiiyo dadka xog ogaalka u ah arintaas.

Intaa kadib ayaa waxa uu sheekha duco caam ah iyo mid qaas ahba udcueeyay dhamaan umada Soomaaliyeed oo alle uga baryay in dhib oo dhan ugu ikeeyo wixi lasoo maray isla markaana nabad iyo dowlad caadil ah oo Ahlusunah Waljamaac dalka kusoo dabaalo.

Gudoomiyaha Ahlusunah Waljamac Macalin Maxamud Sheekh Xasan oo isagana kamid ahaa culimadi kasoo qeybgashay soo dhaweynta Sheekh ayaa sheegay in Ahlusunah maanta aysan ukala maqneen soo dhaweynta Shiikhooda, isagoona qudbad dheer kajeediyay halkaasi taasi oo siweyn ugu nuux nuuxsaday sida diinta islaamka kusoo gaartay dalkeena Soomaaliya,

"Shacabka Soomaaliyeed diinta waxa ay soo gaartay shan sano kahor inta aysan magaalada Madiino aysan gaarin iyadoo taana ay weliso in umada Soomaaliyeed aan seef lagu muslimin".

Gudoomiyaha Ahlusunah Waljamaac Macalin Maxamud Sheekh Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada iney diinta bartaa kana fogaadaan fidnada wahaabiyada.



http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(1).jpg
Wafdiga Sheekha oo kujira Qeybta gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(2).jpg
Is marxabeenta Wafdiga Sheekha iyo qaar kamid ah axbaabti soo dhaweysay
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(3).jpg
Sheekh C/raxman Sheekh Muxumed oo mar xabeenayo Sheekh Axmed Sheekh Aweys
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(4).jpg
Sheekh Abuukar Sheekh Axmed yare oo kamid ah wafdiga Sheekha lasocday oo marxabeenayo Shiikhiisa Sheekh Cumar Sheekh Maxamed
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(7).JPG
Sheekha iyo jameecadi soo dhaweysay oo taagan afaafka hore qeybta soo dagayaasha
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(24).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(8).JPG
Wafdiga Sheekha oo dhax mushaaxayay gudaha garoonka Muqdisho ilaah ayaa mahada leh
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(9).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(25).JPG
banaanka garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho Aadan Cadde International Airport
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(10).JPG
Sheekh Axmed oo gacan qaadaya qaar kamid ah jameecooyinki kasoo qeybgalay soo dhaweynta Sheekha
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(11).JPG
Talaamiida kasoo qeygashay soo dhaweynta oo saf ugu jirta salaamida Sheekha
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(12).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(26).JPG
Sheekh Axmed Sheekh Aweys oo hadal kooban banaaka garoonka muqdisho kusiinayay Warbaahinta iyo dadki soo xaadiray soo dhaweynta Sheekha
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(28).JPG
Qeybaha warbaahinta Muqdisho oo aan ukala harin tabinta wararka imaanshaha Sheekha la xiriira
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(13).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(27).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(29).JPG
Qaar kamid ah xilqooyinki lagu oogay banaanka iyo guaha garoonka diyaaradaha Muqdisho
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(14).JPG
Qaar kamid ah gawaaridi galbineesay Wafdiga Qudubka dariiqada Qaadiriya Sheekh Axmed Sh: Aweys
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(15).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(16).JPG
Shekha oo kusugan xaruntiisa Muqdisho oo ay dhinacyada kafadhiyaan Sheekh c/raxman Sh: Muxumed iyo Sheekh Cumar Sheekh Muxumed iyo Sheekh Axmed Jaa
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(17).JPG
Qeybaha warbaahinta oo wareysi la yeelanayaan Sheekh Axmed Sheekh Aweys Alqaadiri
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(18).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(19).JPG
Sheekha oo faah faahin kabixinaya doorka xiligan ee culimada Ahlusuna Waljamaac
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(23).JPG
Sheekh Axmed oo dhinac fadhiyo gudoomiyaha Ahlusunah macalin Maxamuud Sheekh Xasan
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(20).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(21).JPG
Qaar kamid ah talaamiidi kasoo qeybgashay soo dhaweynta Sheekha oo kadhax muuqdo Sheekh Abuukar oo kamid ahaa wafdiga sheekha Axmed kala yimid dibada.
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/QUDUBKA-QAD%20(22).JPG

Dhamaad

Allaa Mahad leh.

Xafiiska Wararka Shabakada Warsheekh ee Muqdisho

E-Mail: Webmaster@Warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip