Ila qosol: "Kurdi soomaali"

0
Monday September 30, 2013 - 10:49:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila qosol: "Kurdi soomaali"

    Waxaa Xarunta Booliska ee Norway soo gaaray Afar Nin oo Kurdi ah iyo Mid Soomali ah , si ay Booliska qoxootinimo isugu dhiibaan . Sida caadiga ah qof walba waxaa la waydiiyaa Wadanka uu u dhashay iyo meesha uu ka yimid .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Xarunta Booliska ee Norway soo gaaray Afar Nin oo Kurdi ah iyo Mid Soomali ah , si ay Booliska qoxootinimo isugu dhiibaan . Sida caadiga ah qof walba waxaa la waydiiyaa Wadanka uu u dhashay iyo meesha uu ka yimid . Afartii Kurdida ahaa iyo midkii Soomaliga ayaa su,aalo la waydiiyey iyagoo la rabay oo kaliya in laga qoro wadamada ay u kala dhasheen:

Kii ugu horeeyey waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Ciraaqi
Kii labaad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi ii raani
Kii sadaxaad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Turki
Kii afaraad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Suuri

(sida aan la socono Kurdiyiinta afartaas wadan ayeey kala dagaan)

Ugu danbayntii markii la soo gaaray kii Soomaliga ahaa waxa uu yiri waxaan ahay "Kurdi Soomaali”, isaga oo u haystay in erayga Kurdi uu yahay wax lagu amaanayo wadanka sababtoo ah waxa uu yaqaanay oo kaliya wadamada Ciraaq, Iiraan , Turki, Suuriya, laakin waa markii ugu horeeysay oo uu maqlo Kurdi.

Waxa uu is yiri: Waddankaaga ha ka reebin erayga ammaanta ah ee "Kurdi”…!

Source: Calanka
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip