Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir ayaa munaasabadda ciid Al-Adxa awgeed waxa uu fariin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sanadkaan kiisa kale dalka laga cirib tirayo wax uu ugu yeeray kooxaha dhiigya cabka ah oo uu sheegay inay saldhig u yihiin degenaansho la'aanta dalka.

Md. Tarsan ayaa ugu hambalyeeyay umadaha Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciid Al-Adxa, wuxuuna ku booriyay Soomaalida inay is cafiyaan, isla markaana ay u midoobaan sidii dalkooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen.
"Sanadkaan sanadkiisa kale waxaan rajeynayaa in dhiigya cabka la cirib tiro, lana helo Soomaali mideysan" ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta boqolaal dadweynaha reer Muqdisho salaadda Ciid Al-Adxa kula tukaday.
Guddoomiyihii gobolka Banaadir Md. Tarsan ayaa ugu baaqay dhallinyarada weli ka tirsan ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan isla markaana dadkooda, eheladooda iyo waalidiintooda ay dib ugu soo laabtaan.
"Dhallinyarooy ka soo laabta fikirka qaldan ee ay idinku marin habaabiyeen kooxaha dhiigya cabka ah ee la baxay Shabaab" ayuu yiri Tarsan oo sheegay in kooxaha dhiigya cabka Al-Shabaab uu gabalkoodu sii dhacayo isla markaana sanadka dambe dalka oo dhan laga sifeynayo.
Tarsan oo u digay Al-Shabaab, Soomaalina u rajeeyay wax ay ku farxaan
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir ayaa munaasabadda ciid Al-Adxa awgeed waxa uu fariin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sanadkaan kiisa kale dalka laga cirib tirayo wax uu ugu yeeray ko