Deeleeydii Kaddare‏

0
Sunday February 08, 2015 - 04:23:14 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Deeleeydii Kaddare‏

    Allah haunaxariistee inta aan kaxusuusano murtidii Xuseen Sheikh Axmad Hiloowle Kadare ayaan idinsoo bandhigeeynaa waxaana kamid ahaandoona buugii Waasuge iyo Warsame iyo Gabayadii deeleyda iyo dhamaan mortida Kadare waxaan kubilaabeynaa Gabaygii Dee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allah haunaxariistee inta aan kaxusuusano murtidii Xuseen Sheikh Axmad Hiloowle Kadare ayaan idinsoo bandhigeeynaa waxaana kamid ahaandoona buugii Waasuge iyo Warsame iyo Gabayadii deeleyda iyo dhamaan mortida Kadare waxaan kubilaabeynaa Gabaygii Deeleeyda Doorkii uukulahaa wana sidatan

Af daboolan dahabkii

Maskax darartay dookheed

Abwaan diiray doorkiis

Nin is-diray dadaalkiis

Murti daad ah dulucdeed

Hadal dalab leh dabarkiis

Sarbeeb duwan ka-duruggeed

Danab dhacay dareenkiis

Daah rogan dabeyshiis

Dad is-laayey dawadiis

Manjo daalan duugtoot

Cadae duman duqeyntiis

Markab degay daryeelkiis

Qabiilnimada loo danay

Inta diiddan dawankood

Da,da kale Hadraawoow

Duulaan cid kuma ihi

Mana daafacayo ruux

Dano gaar ahaaneed

Dooni maayo manarabo

Ways kala da,weynahay

Taydu waa Dareen guud

Wax aan diidayaa jira

Oon layga karin daa

Ilaa aan ka dabar –jaro

Afartaa ma wada degay?

Taar ma diray digniin sida?

Deris kalena iga maqal

Daacadoow dad ma ekee

Duddo magac wadaagtoo

Summadeeda duwatoo

Ceel doox ka qodatoo

Duunyada ka shubatoo

Doorkeedu taliyoo

Maatada daryeeshoow

Is-kaashiga daneysoo

Dadnimada xushmeeysoo

Daaqiyo waraabkiyo

Isku disha Qabiilnimo

Waa dariiqa noloshoo

Dadkoo idili soo mare

Diiwaankina u buuxsamay

Dabadeedna waxa yimi

Dadaalkii aqoontoo

Cilmi diiradda u sido

Dabeecadna adeegsaday

Dayaxana u sahan tegay

Doorkii kaloo xigay

Dabaqadaha loollama

Oo danaha kala duwan

Kudagaallamaa yimi

Waxa daahiraya ugub

Marka xigana waa duug

Waa duni ajaa,ib ah

Dood kalena waxey tahay

Inta uu degmiyo gobol

Dadku magacyo leeyahay

Doox godanya buur iyo

Doog iyo abaar iyo

Daaq iyo dhir leeyahay

Duunyadu irmaan tahay

Digirtiyo galeeyduna

Gu,ya deyr ka baxayaan

Daku beeraley iyo

Duul reer magaaliyo

Misna duunyo dhaqatiyo

Dan-wadaagto kala yahay

Oo daartu dhagax tahay

Aqal derinya udub yahay

Deriskeennu Xabash yahay

Qeyba dembe udiyaar garoow Insha Allah



WAXAA DIYARIYAY

SAYID HASSAN ALI

abdisamedd@hotmail.com



Your sincerely

SayidHassan Ali
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip