Maharka Iyo Muhashada Dhallinta.

0
Thursday July 23, 2015 - 02:13:17 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maharka Iyo Muhashada Dhallinta.

    Cumar Ibnu Khaddaab madaxweynihii labaad ee talada musliminta qabtay, ka dib markii uu dhintay ergaygii Alle Maxamed C.S.W, ayaa hadda kahor la yaabay sida maharku cirka is kugu shareeray, oo doonashadii hablahu u qaaliyowday, dhaqan Carbeedkii xilli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cumar Ibnu Khaddaab madaxweynihii labaad ee talada musliminta qabtay, ka dib markii uu dhintay ergaygii Alle Maxamed C.S.W, ayaa hadda kahor la yaabay sida maharku cirka is kugu shareeray, oo doonashadii hablahu u qaaliyowday, dhaqan Carbeedkii xilligaas jiray awgiis.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu dhibaatadaan bulshada ka dhex jirta ku soo hadal qaatay khudbad uu ka jeedinaayay minbarka Misaajidka. Canaan iyo qaylo ayuu gabdhihii dhagaha u saaray, kuna amray in ey qiimaha maharka eysan qaali ka dhigin.

Haweeneey wax ka fadhisay misaajidka ayaa gadaal ka soo hadashay, kuna tiri Cumar, "Cumarow, ma wax Ilaahey inoo ogalaaday in aan qiimahaan doonno ka qaadanno ragga, miyaad adigu nagu yaraynaysaa?. Waxayna soo qaadatay Aayaddii sidaas dhahaysay. ( وَآتَيْتُمْ إِحْدَاهُنَّ قِنْطَارًا ).

Cumar oo markaas minbarka ka soo dagay, aayaa markii uu maqlay haweeneyda hadalkeeda iyo caddeynteeda, dib u koray minbarka, wuxuuna yiri "Cumar waa qaldamay, haweneyduna waa saxantahay, waxaad rabtiin kula hishiiya dumarka"

Arrinta maharka qaaliga ah iyo dhaqannada adadag ee la xariira waxaa ka dhalan karta halis fara badan. Marka dhallinyaradaan dibadbaxa caynkaan ah sameeysay, waxaa jira kumannaan gabdha ah, oo la qaba dhibkaan, balse xishood iyo dhaqanka deeganku uu xannibayo.

Waa arrin la rabo in ey wax ka qabtaan waalidka, wadaaddada, kuwa maalqabeennada ah iyo kuwa xilka bulshada haya. Haddii kale qarax bulsho ayaa imaanaya iyo wax aan lagu farxin oo cawaaqib xumo ah. Cabdicasiis
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip