Qabyaaladiiste

0
Saturday February 29, 2020 - 00:12:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabyaaladiiste

    Beribaa niman gaade ah duulaan tageen waxa ayna ku heshiyeen inay gurguurtaan, nimankii kale ayaa faranduleeyay, halka nin sidii lagu balamay u gurguurtey oo qodaxda iyo qorigaba u badheedhay, mar dambe ayuu arkay inuu keligii gurguuranayo, markaasuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beribaa niman gaade ah duulaan tageen waxa ayna ku heshiyeen inay gurguurtaan, nimankii kale ayaa faranduleeyay, halka nin sidii lagu balamay u gurguurtey oo qodaxda iyo qorigaba u badheedhay, mar dambe ayuu arkay inuu keligii gurguuranayo, markaasuu yidhi " Nimanyahow ama si haloo wada gurguurto ama waan iska sara joogsanayaa anigu.


Hadda soomaalida waxaa dhextaal waa arrinkii, iyadoo nin weliba reerkiisa la duuban yahay in qolo gooniya la yidhaahdo soomaalinnimada waardiye ka noqda socon mayso, ee beelnimada halaga wada maarmo ama yaan ninna lagu eedin

Ammin hadda laga joogo 4 gu' ayaan hore u sheegay in qabyaallada qolona loo sharciyeeyey oo ay u bannaan tahay qolona laga reebay oo toodu tahay(Contraband).

Haddaba hebel madax buu noqday reerkooda ayuu la shirey, hebelse reerkooda ayuu hubeeyey si ay reer hebel ugu duulaan keebaa gar ah keebaase gardaro ah?

Soomaalidu ilaa hadda beelnimo kama maarmin waa laysku soo xulaa oo xildhibaan weliba beel ayuu u taagan yahay oo keensatay, wasiiradda saami qaybsi beeleed ayaa lagu sargooyey.

Taliyayaasha saami qaybsi beeleed ayaa lagu sargooyey, haddii arrinkaasi beentay yahay, bal ii sheega xildhibaanka, wasiirka, taliyaha aan beelnimo ku joogin ee xisbiga ka sok baxay ama lagu doortey?

Madaxweynaha maanta joogaa waxa uu hubeeyey beeshiisa Galguduud iyo Gedoba, haddaba Guluf ayuu ka wadaa koonfur bari, Gedo iyo jubbooyinka.

Soomaalidu weli kama aysan bixin xaydaabka beelnimada ninka ka madax bannaan ee aan qaadhaanka bixib, magta wax ka bixin ee aan reerkiisa la duubnayn bal ii sheega?

Tolkay miley dheer baab lahaa qabyaalladii Faarax idiinku duceeyey barta, hadda haddey barteen, maalinta ay ku dhaqmaana soomaali ama waa is raaci ama wey kala tagayaan.

Ma jiro soomaali aan qabyaaladiiste ahayn, kii yidhaahdaana waa been hawaas, waase la kala heerar sarreeya.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip