QAYBTII 7AAD: (DHAMAAD) "PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH)

1
Saturday September 18, 2010 - 18:48:00 in Paltalk Waa Mucjiso by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    QAYBTII 7AAD: (DHAMAAD) "PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maariya maskaxda ayuu ka gaaray dhaawaco, dhiig ka yimid madaxeeda ayaa buuxshay wadadii oo dhan, dhaawac kore ayuu u muuqdaa, laakiin waa suuxsantahay, neef qaadan meeyso, taas oo micnaheedo yahay in maskaxdeeda jug weeyn gaartay, sida ay ku badbaadani ay adagtahay.

Dadkii meesha joogay inkastoo ay qabteen intii karaankooda aheeyd, hadane marnaba kuma guuleeysanin in ay Maariyo neef qaadato, ayagoo naxsan in ay dhimatay isku sii raacaaya ayeey yimidiin dadkii gaargaarka degdegta ah aqoonta u lahaa nasiib darro waxeeysa aheeyd markii ay naftu ka baxday, oo ay indhaha cadeeysay sida in ay dadka u jeedo oo ayaga fiirineeyso.

Waxeeyna u qaadeen dhinacee isbitaalka, ayada iyo wiilkiiba oo asiga naftiisu dhaawac xoog le
h soo gaaray.

Waxyar kadib waa la aqoonsaday Maariya, waxeeyna waceen waalidkeed, kana codsaneed inay u yimaadaan meeydkii gabadhoodii ka maqneed ku dhawaad labada asbuuc.

Maariya hooyadeed maalinkaan halkii gabar oo ay qabtay, labadii asbuuc oo soo dhaaftay shanta kun oo sano kaga dhigtay, meydkeedii ayeey ku sabartay, waxaana lagu wargeliyay gabadha iyo dhawaacyada gaaray inta aysan shilka gelin ka hor, taas oo sababtay in la aqoonsado ninkii ama nimankii gabadha kufsaday, dhaawacyada jirkeedii ku yaalane u geeystay kan madaxa hada ka gaaray maahane.

Maariya aaskeedii waxaa ka soo qaybgalay intee taqaanay, soomaali iyo islaam, norwiij iyo ajnabi, waxaana loo wada tacsiyeeyay waalidkeed iyo ilmahii la dhashay.

Maariya waalidkeed waxeey fasaxeen in loo sheego ka soo qaybgalayaasha aaska gabadhooda sida gabadhooda loo afduubay maadaama nimankii la soo qabtay oo ay ayaga sheegeen waxeey ku sameeyeen oo dhan, iyo sheekooyinkii laga soo baxshay kombiyuutarkii ay kula sheekeeysan jirtay ninkaan iyo sida ay ku jeclaatay.

Maadaama ay ku qortay buug yar oo ayada u ahaa ayada xasuus qor, aadna dareenkeeda jaceyl iyo ninka aragtida ay ka qabto ay ku faahfaahineeyso.

Wax laga naxo, amakaag iyo kalsooni darro nolosha oo dhan laga qabo ku abuurtay ayeey noqotay geeridii lama filaanka aheeyd ii Maariya Cabdulaahi Xasan! Qaas ahaan gabdhihii ay saaxiibada ahaayeen, haba ugu sii darnaato Foos oo aheeyd halka gabar oo kaga dhaweed inta kale, iyo kuwii ay isku iskuulka ahaayeeynba, waxeeyna u noqotay waano aan la hilmaamin dhamaantood.

Laakiin nasiib darro ayadii oo nool lama arkaayo mardanbe si ay kaga sheekeeyso dareenkeedii xaqiiqada ahaa iyo shalaysatadii ay ka shaleysay intay xabsiga ay ayada lugaheeda isku gelisay ku jirtay maadaama ay teeda dhamaatay, ayadana ay sabab u aheeyd oo ay furtay qol ka mid ah qolalka ay ku heshiiyaan kuna shiraan shayaadiimiinta dadka u eg iyo aqli gaabyaasha nolosha ka dhacay!

Waa intee meeshaas? Dabcan waa paltalka oo ah meel lagu barto ciyaalsuuqnimo, been, qiyaano, loona yimaado in aftahan lagu noqdo, ama dadka ayagoonan ku ogeen lagu qiyaano laguna dilo. Paltalka waa Dilaa, waa Dulmi iyo Dandaansi aan xaq aheeyn. Waa jaahilnimo iyo Jaxiimo Adduunyo iyo Aakhiro. Waa mustaqbal la'aan, waa Nabsi iyo Olol, waa damiir la'aan, waa waqti lagula xisaabtami doono waxaad ku qabatay, lagoona ciqaabi doono. Paltalk waa Mucjiso aad gacmahaaga iyo cagahaaga ku raadso ee ka digtoonaaw gabaryahay hadii aad qabtid dhega wax maqla, indha wax arko, san wax uriya iyo aqli xisaabtamo oo aad ka mid tahay inta waanada ka qaata dadka jecel in ay waaniyaan, oo kaga digaan qatarta noloshaada kugu soo fooda leh.

Maxaayeelay adiga kaa hor ayeey soo jaribtay nolosha adduunka, waayo aragnimo iyo feker ayeey ADIGA ku dheeryihiin ee ka qaado waanadaan wanaagsan iyo nasteexadaan, kaaga timid qalbi u jecel gabaryahay, waa kuwaan:

Digniin iyo waaanooyin:

1) Waligaa ha siinin magacaaga oo sadaxan qofka aad ku baratay chat room/paltalk.

2) Ha u sheegin da'adaada runta ah, iyo iskuulka aa dhigatid ama meesha aad ka shaqeysid midna.

3) Ha siinin taleefankaaga/moobilkaaga iyo ciwaanka guriga ama xaafada aad degentahay oo sax ah.

4) Ha siinin sawirkaaga oo ah wajigaaga runta ah, si uusan qofkaan ku aqoonsanin.

5) Hadii ay dhacdo in aad la kulantid qof aad isku barateen chat room/paltalk wado qof kaa weeyn, hana ahaado qof kaa jinsi duwan (Micnaheedo waa hadii aad gabartahay oo aad la kulmeeysid wiil aad ku baratay chat room/paltalk ha ku raaco wiil aad aamineysid oo aad kalsoontahay iskuna taxaluji in uu ahaado qof aad isku famil/walaalkaa dhiiga ah sida kan kula dhashay iyo kuwa ay dhaleen waalidkaa walaalahood, ilmoadeer, abti, habaryar, eedo.)

6) Xasuusnaaw marwalba in dadka iskugu yimaada qolalka lagu sheekeeysto chat roomka iyo paltalka aysan intooda badan eray xalaal/run ah waligeed sheegin, oo qof walba been ka sheegeeyso, magaciisa, xaafada u degenyahay, da'adiisa, wajigiisa, iyo aqoontiisaba.

Tusaala ahaan waxaa dhacday in nin weeyn oo la dhaho Abshir, oo 50 jir ah inuu kula shekeeysaneeyso kuuna sheegay inuu jiro 20 sano, lana dhaho Saabir, maxaayeelay uma jeedid adiga, sidaas darteed waligaa ninkaas wiil ayuu kuu yahay warna uma heeysid!!.

7) Xasuusnaaw in aysan macquul aheeyn in la qiyaaso in qofka been sheegaayo iyo in kale markii uu qoraal/cod oo kale ah ku soo diraayo, maadaama aadna wajigiisa arkeynin.

8) Feejignaaw, ahaawna qof dareen ku joog ah meeshaas iyo dadka aad ku baratayba, maadaama aad waddanka la yiraahdo paltalka/chat room oo asigu isku ah badd is keed u weeyn oo aad ku dhex dhuntay maxaayeelay waxaa lagu maahmaahaa" Dal islaameed waa dareen ku joog!" Waana xaqiiqo la ogaaday in internett iyo dadka isticmaalaba ay yihiin waddan iyo magaalooyin ay caasimado ka yihiin paltalka iyo chatroomka.

Ulajeedo: waxaa soo baxeeyso maalinba maalinka ka danbeyso in lagu dhibaateyeo kumanaan ka mid ah dhalinyarteena qalabka cusub, ee ugu horeeyo paltalk, sidaas darteed waxaa muhiim ah in aan sida dhalinyarta mufakiriinta ah ee idinla midka ah idin digno, idina sheegno waxa aan soo aragnay ama badankeena qabsaday.

Ulajeedada ugu weeyn ee aan ka leeyahay qoraal waa in GABDHAHA SOOMAALIYEED ISKA JIRAANRAGGA ADEEGSADA QOLALKA PALTALK OO AH RUNTII RAGG NOLOSHA KA DHINTAY, UNA QALMIN GUUR IYO JACEYLBA.

La soco qoraalka ku dhisan xaqiiqooyin cilmi baaris ah oo laga sameeyay internettka sida uu sameeynaa dhalinyarta meelkasta oo ay joogaan bilawga sanadka soo socdo insha Allaah aqriste. Waxuna ka hadli doonaa qoraalkaas insha Allaah, jaceylka internettka, guurka internettka, jirka gabdhaha ee lagu kala iibsado internettka, masawirada iyo vedeoga aad sida niyad samaantaa u siinee nin adna aqoonin ceebta iyo fadeexada uu la soo guurguuraanaa iyo dhacdooyin naxtin badan. Ee yuusan ku dhaafin, waa noo wada muhiim sida dhalinyarta soomaaliyeed ee ku nool caalamkaan halka qol ah ee la yiraahdu internettka qoraalkaas cilmi baarista ah ee la socod wanaagsan, iyo ku wanaano qaadasho baan idin dardaarmaa dhamaantiin.
�����������..DHAMAAD�����������

mahad dhamaanteed Rabi ayaa leh kaligiis, ina fududeeyay in aan soo gudbiyo wixii aan soo gudbiyay. Waxaan idin dardarmaa dhamaan Illaah ka cabsi iyo run ka sheegida naftaada! Imaanka waa naxariista iyo degenaanta qalbiga, islaamkuna waa nolosha oo dhan!

Aqristaha dulqaadka badan muujiyayow waa mahadsantahay, waxaana halkaas nooga dhamaatay sheekadii gaabneed, isla markaasna aheeyd tixanaha ee "Paltalka waa Mucjiso!". Waxaan aad ugu mahadcelinaa aqristayaashii sheekadaan u diri jiray saaxiibadow, si ay ayagane kaga qayb qaataan aqriska sheekadaan iyo faaiidooyinkeeda, waa mahadsantihiin

marlabaad inbadan. Sido kalee mahad aad u balaaran oo ka sameeysan qiimeeyn iyo qaddarin tan ugu weeyn waxaan u diraa maamulada websiyada iyo soo saarayaashooda Sidahttp://www.warsheekh.com/oo si hagar la�aan ah kaga qayb qaatay baahinta sheekadaan. Mahadsaniid dhamaan asaxaabtayda.

Wixii digneen ah, ama dhaliil iyo saxitaan ah waan inka sugaayaa dhamaantiin adinkoo mahadsan. Waa Ifraax oo idin leh: Waari meysid wanaaga ha kaa haro soomaali kastow!

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Waxaa qortay Ifraax Yusuf (Ifka)
17.11.2008 e-mail:
samsam_1989@hotmail.com

Halkaan ka Aqriso Qeybihi Hore Ee Sheekada

Qaybtii 1,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii 2,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii3aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii4aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii5aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii6aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip