QAYBTII 3AAD EE SHEEKADII: "PALTALK WAA MUCJISO!"

0
Saturday September 18, 2010 - 19:16:49 in Paltalk Waa Mucjiso by Xarunta Dhexe
  • Visits: 5493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    QAYBTII 3AAD EE SHEEKADII: "PALTALK WAA MUCJISO!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maariya waa fiirisay saaxiibteed markay aragtay in aysan su�aalaha iyo warka ku saabsan jaceylkeeda cusub ka dhaafeynin ayeey u sheegtay in ay ninkaan isku barteen qolalka chatroomka mid ka mid ah, hadane ay xooga la socoto,

Maariya waa fiirisay saaxiibteed markay aragtay in aysan su�aalaha iyo warka ku saabsan jaceylkeeda cusub ka dhaafeynin ayeey u sheegtay in ay ninkaan isku barteen qolalka chatroomka mid ka mid ah, hadane ay xooga la socoto, kuna qanacsantahay xariirka u dhaxeeya sidaas darteed ayadoo warka ay ogtahay inuu u gubi doono sida naarta jirka dadka u gubto oo ka soo yeeri rabo afka saaxiibteed, si ay ugu celiso tiri:" Fooseey waa ku baryaa macaanto.. ha iskudayin in aad ninkas iixumeysid.. arintaan qof ha u sheegin, xata aniga ha i weeydiinin mardanbe..!

" Foos ayadoo amakaagsan ayeey ka soo ag kacday saaxiibteed, amarkii la siiyane si fiicna u qaadatay, oo ayada qofna uma sheegin, maariyana ninkii meeshuu ku danbeeyay asbuucyadii maalinkaan ku soo xigay meeysan weyediinin weligeed.

Sadaxdii bilood oo ay ninkaan la socotay waxeey aheeyd sadaxdii bilood oo nolosheeda ugu yaabka badneed ugu qaalisaneed, maalinkii dhaaftaba waa tirineysay, waana ku faraxsaneed waxwalba. Iskuulka mar aan dheereen waa la xiraa, waana fasaxii samarka, laba bilood ayeey fasax tahay. Maariya iyo ninkii ay indhaheeda ka jecleed waxeey ku balameen in ay is arkaan inta aysan la aadin reerkeeda dalxiiska oo fasaxaan u socda Ingariiska.

Waana ka aqbashay, inkasto ay diiday in ay ku kulmaan gurigiisa oo xaflad ayada iyo asaxaabtiisa la isku baraa loo sameeyo ayuu "qorsheeyay" sida uu sheegtay asiga. Waasa ku gacan seyrtay una sheegtay in ay baar ku yaalo magaalada ku kulmaayaan, kuna tiri:" Ma rabo in aan aado meel dheer, laakiin horta aan kow kulano kaligeen, tan kale waxaan jeclahay in aan martiqaadka kaaga hormaro nooh macaane!

" Waa ku qoslay kuna yiri asigoo isku miskiininaaya:" Macaanto maxaan kaa diidaa, adigaa ii taliyo aniga waxaad rabtid farxad aan ku aqbalaa gacaliso.." waa qososhay, kuna faraxday jawaabta la siisay, waxaana balantu tahay in lagu kulmo Oslo City, kadibna la wada aado Baarka, iyo shaleemo ku yaalo isla meeshaas oo filin ay wada jecelyihiin ayaa ka soo gelaa caawa fiidka hore.

Maariya waa tan isku boobtay labiskii ay diyaarisay galabkii ay ninkaan baraneysay, kuna soo baxday qof aan horay loo arkin, balsa nasiib darro boorsada yar oo ay gacanta ku heeysato meeysan iska hubinin waxa ku jira, waxeeyna la tahay in ay hadaatadii hore gelisay mobiilka meesha. Markay soo baxeysay ayaa hooyadeed ku tiri:" Waaba la labistee inteed u socotaa hooyo?

" Maariyo inta hooyadeed habsiisay, shushumisay, ayadoonan ogeen in ay aragtidaan kadib arki doonin hooyadeed, laakiin hooyadeed shaki weeyn ku abuurtay sida gabadhu iskugu dhejisay, oo ay iskugu duubtay, ayaa tiri:" Hooyo macaanto aniga iyo Foos iyo gabdho kale ayaa xaflad u socono, marka in aan soo dib dhaco waa laga yaaba. Laakiin wixii tobanka ka danbeyo marwalba waan kula joogaa..!

" Hooyadeed iyo Maariya ilaa iyo albaabka guriga ayeey isla soo gaareen, ayadoo la isla wada qoslaayo, oo hooyadaan halkeeda gabar dhexda ka heeysato, tootoosineysa, aadna ugu faraxsanahy in ay u kortay, oo ay tahay maantay gabar faceed wax la qaybsan karta, kana dardarmeeysa in ay dad xun raacdo ayeey albaabkii ka soo xiratay.

Maariyana ayadoo indhaheeda ilin soo istaagtay sii fiirineyso hooyadeed ayeey ka soo tagtay. Labada walwal iyo cabsi aysan aqoonin ayaa wada saameeyay, xaada jirkeedana waa la istaagtay cabsidaas, khaas ahaan Maariya hooyadeed oo niyada iska tiri:" Illaahow shar ha iga tusin inta ay nooshahay!

" Meeqaa hooyo gabadheedii saan oo kale u macsalaameysay, u dareentay in balaayo banaanka ku sugeyso gabadheeda, aqligeeduna siin waayay in ay raacdo dareenkeeda cabsida iyo walwalka ah, ogaata in xaflad iyo dadka joogo aysan khayr waligood arkin, ogaata in ay joogaan dad ka taliyo oo shaqa ka dhigtay in ay gabdhahooda nolol duugaan, mustaqbalkooda iyo sharaftooda dudumiyaan. Kadibna ka soo ceshato qalbigeeda qaybtiisa meesha baas oo ay u socoto? Balsa waa aduunyo iyo xaalkeede! Yaa kuu digaa? waa cidna, qaddar waa qaddar Illaah, balsa adigaa u qoolan....

Maariya waxeey isla tahay qof taqaano ninka, labiskii ay u sheegtay in ay soo xiran doonto, waxba kama aysan bedelin, asigane sidoo kale, oo waqtigii ka hor ayuu yimid meeshii balanka lagu dhigtay.

Maariyo markay aragtay ninka u soo qoslaa, waa ka naxday, waana ka shakisay, sawirkii ay aragtay iyo ninkaan isma lahan, cajaaib. Laakiin waxeey isku maweelisay in goorba sawirka mar hore la qaaday, tan kale dadka qaar muuqaalkooda caadiga ah iyo sawirkooda iskuma eka.

Salaan iyo sheeko kadib, baarkii ayaa la tagay, cabitaan la dalbaday, sheekooyin xiiso leh, kalgacalka la isku qabo oo la isku sheegaa hadii loo sheegi lahaa qof an waligiis wax jeclaanin xataa jaceyl kii ugu darnaa ayaa ku abuurmi lahaa.

Waqtigii shaleemadii la aadi lahaa ayaa la soo gaaray, ayadoonan weli sheekadii laga bugsanin, ninkaan baabuur ayuu wataa waa tan soo gashay, inkastoo ay xaqiiqo ahaan shaleemada waxba u jirin, Maariyana aysan jecleeysanin hadane waa lagu qasbay, waana iska ogolaatay.

Markiiba shaleemadii ayaa la yimid, filinkii hal saac kadib ayuu dhamaaday, saacado waxeey sheegee tobankii habeenimo, waana la isla soo baxay. Maariyo in ay bas qaadato ayeey rabtaa, laakiin waa laga diiday, waxuuna u sheegay inuu asiga geynaayo guriga.

Ayadoo aan saas markaan kaga cabsaneeynin kagana shakisaneen ayeey soo gashay baabuurkii. Hees ayaa loo gelshay, mar waa la qoslaa, mar waa la is fiirshaa, gacanta ninka waa mid aan istaag laga karin, qof istaag si amar ah ku tirina goorba aysan jirin. Maariyo goor danbe ayeey ka war heshay in waddo qalad ah uu ku socdo, una sheegtay in halkaan aysan ka jirin xaafadeeda, laakiin waa lagu qoslay, loona sheegay in laga yaqaano magaaladaan hadii ciwaanka ay siisay saxanyahay.

Maariyo ayadoo yaaban, naxtin iyo cabsi markaan iskugu timid ayeey ku celisay in uu ku socdo waddo qaldan hadane, looma jawaabin, oo ninkaan waxuuba u muuqdaa nin og waxa uu sameeynaayo oo dhan. Maariyo waxaa horteeda ku soo sawirmay wixii ay sheeko ku maqli jirtay, hooyadeed iyo saaxiibteed Foos waxa ay kaga digaayaan labadii asbuuc oo ugu danbeysay, kadib markay ka shakiyeen inuu jiro nin ay jeceshahay, oo ay sababtiisa isku bedeshay. Waxeey istustay waxa ku dhici raba, waa naxday, wadnaheedo sida uu u boodboodaayo inuu afkeeda ka soo baxo ayeey ka cabsatay, weli la isma gaarin, waa war la'aantaas!

Sideey ku badbaadi laheeyd ineey falkeeda gasho ayeey isku dayday. Waa tan mobiilkii raadis ku bilawday, markay ku baraarugtay inaysan wadanin wadnihii ayaa istaagi gaaray, oo hal mar hiq isku tiri.

Baabuurka waa sii socdaa uun.. yaab badnaa? Uma jeedo miyaa in laga baxay Oslo? Ma Iswiidhan ayuu u socdaa maxuu ka doonaayaa dhinaca Sarsborg? Baaskii u socday Halden maahan miyaa midka halkaas maraayo horta? Iyaah? Walee warbaa jiro! Amarkaan intee ka jiraa? Is arag iyo is barashadii sidaan meey aheeydna? Markiiba waa fekertay in ay baabuurka oo socdo furto albaabka oo iska tuurto ayeey istustay, waasa u suurtgali weysay.

Ninka hadli maayo, markii ay fiiriso waaba ku sii xanaaqaa, waxuuba u muuqdaa nin raba inuu cuno ayadoo nool. Waa yaabtay, waxeeyna istiri:" Yaah siduu ninkii aad taqaanay daqiiqado gudahood saan ku noqday? Maxaad ka haleysay ninka? Maxuu kaa rabaa?" Waa suaalo aan jawaabtooda la aqoonin, balsa maskaxdeedo ineey ka jawaabto inta waqtigu ka jawaabin ayeey rabtaa.

Arin waa isku dhabaqmatay, waa la isku qasmay. Baabuurki daqiiqado kadib waa istaagay�.. maxuu u istaagay baabuurka, meesha waaba meel aan u ekeen meel dad ku noolyihiine? Maxaa halkaan lagaga soo doonay gabadha? �

Aqriste la soco qaybta afaraad ee sheekada, "Paltalk waa Mucjisa!" si aad u ogaatid jawaabaha suaalahaan aqristaha sharafta badanow...!!

WALAAL ADIGOO MAHADSAN WIIXI FEKRAD AMA DHALIIL AH iigu soo celi e-mail:samsam_1989@hotmail.com

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan, amar la,aan waa ka mamnuuc IN LA QAATO, AMA LAGA SAMEEYO mala'awaal/Labedelo ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.
W/Q Ifraax Yusuf C. (Ifka)

Halkaan ka Aqriso Qeybihi Hore Ee Sheekada

Qaybtii 2,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii 1,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip