QAYBTII 4AAD "PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH)

0
Saturday September 18, 2010 - 20:29:41 in Paltalk Waa Mucjiso by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6112
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QAYBTII 4AAD "PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markay warso maagtay waxa loo joojiyane waxaa amar lagu siisay in ay soo raacdo inta uusan ku sameeysan wax uusan rabin inuu ku sameeyo. Maariyo korsigii ayeey isku dhejisay, ooyin iyo qaylo isku dartay markay fahantay waxa laga rabo iyo meesha ay joogto.

Xoog ayuu kaga soo baxshay baabuurkii, kuna soo gelshay gurigii oo rabay inuu kaga yeelo sida uu rabo, kagana gaaro dantiisa.

Waxey ooyso qayliso, waa weeysay wax caawin ah, ama maqlaayo xataa qayladeeda. Ninku naxariis darnaa, Illaahow hanaga adeejinin wax aan kaa cabsaneeynin noona naxariisaneynin Adaa Raxmaan ahe.

Maariyo iyo ninkii jihaad ayeey ka gaartay, labadooda qof ayaa dhimaneeyso maahane goorba


meeshaan laguma kala tagi doono. waxaad moodaa qolka ay iskula dhex rafaadaayaan meel dameer iyo maroodi ay isku dagaaleen, qofwalba wixii ka hor yimaado ayeey haraanti ku qaaday, yaa xoog leh ayeey noqotay?

Qof walba waxeey ka adkeeyd ayeey ka shaqeysay. Maariyo waxeey jihaado, nafta iskukeento, markii danbe si toos ah aa dhulka loo dhigay, gacmahane xarig horayba u diyaarsanaa looga sirqiyay, afkane maro looga xiray si aan qayladeeda loo maqlin. Meesho xumaa, ur badnaa, dadku arxan darnaa, awood la'aan xumaan badnaa, xoog iyo xaq daro is biirsaday qaraar badnaa, kay ku jiraansa u macaan badnaa!

Dharkii ay wadatay intiisii badneed waa laga baxshay, saasta ay tahay weli la isma gaarin, gacmaha weey ka xirantahay, shaatiga qafiif ahaa awalba, waa kan inta la qabtay la kala jeexay, ileen in gacmaha laga furo waqti ay qaadanee hadanee.

Qolko waa mugdi, hadii indhaha farta lagaa gelinaayo aadna waxba u jeedin, marka Maariyo ninka dhaqdhaqaaqiisa iyo taataabashadiisa ayeey dareemee maahane uma jeedo asiga iyo waxa uu ku sameeynaayaba.

Maariyo weey is dhiibtay, in ay u dhamaatay waa u jeedaa. Ooyin iyo qaylo in aan la maqli doonin oo meesha la keensaday ay tahay meel door ah, geeri go'an ah, cid ku noolna aysan jirin.

Waxeey markiiba ka murugootay waalidkeeda, sida ay u fekeraayaan saacadaan, meesha ay ka raadinaayaan, sida la iskugu buuqsanyahay.Waxeey aragtaa aabaheed oo xanaaqsan qarxi raba, murugo iyo naxtin uusan waligiis horay u dareemin wajigiisa ku sawirantahay, hooyadeed oo ka daran asiga, ooyneysa, ba'ayeeysaneeysa, in adduun iyo aakhiro ay kaga dhamaatay halkeedii gabar ogaatay.

Ma taqaano inta saac oo ay halkaan joogtay, hada ayeey soo naaxday kadib markii biyo qabow ah indhaha looga firdhiyay. wax iftiimaayo ayeey aragtay, waa tiifiiga, iyo filin ka shidan, waa fiirisay, waa nin iyo naag isku ba'ay! Waxa la tusaayo indhaha ayeey siin weeysay, indhaha ayeey isku qabsatay, laakiin haraantii ayaa loo gelshay kilida, laguna amray in aysan meel kale isku fiirinin hadii ay rabto nafteeda.

Waa fahmi weeysay danta laga leeyahay in ay fiirsato filin noocaan ah, waxeeyna is tiri:" Fiiri hadii uusan aniga ii soo dhawaan doonin mardanbe waxwalba waa fiirsanaa, fiirsi maxuu iga dhibaa?

Hadii aanan aniga la igula dhaqaaqi doonin inta lagu kacsado marlabaad waxa la fiirsanaayo?" hada ayeey fahantay waxa ninku filinka ka rabo, waana isku naxday markay fekradaas aqligeeda soo gashay.

Uma jeedo sida ay u taalo, in waxa meel walba ka qoyan ay yihiin dhiig ayada ka yimid waa ku war la'dahay. Maadaama aysan qoyaanka midibkiisa arki karin, xanuunkane dareemi karin hada maxaayeelay maskaxdeedo qolkaan ma dhex jogoto hada.

Maariya waxeey ku maqantahay meel dheer, iyo gurigii waalidkeed waxa ka dhacaayo saacadaan. Maxaa ku dhici doona? reerkeedi sideey arinkaan u arki doonaan? sidee runta jirto loo ogaan doonaa isla markaasna loo rumeeysan doonaa??!

Maariyo iyo ninkii sidii ayeey filinkii xumaa u wada fiirsanaayaan, waxyar kadib ninkii nalkii ayuu ka shiday, waa sastay, baryo ugu dhaqaaqday, mar uun dhar ii geli ayeey ka tahay, wixii ku dhacay ayadaa ilaa iyo hada waa yaryihiin goorba, oo caymis ayaad leedahay ayeey niyada gashatay, ee mar lee yaa ku fakiya?.

Ninkii markuu waayay danta uu u shiday filinkii, inkastoo uusan ogaanin in ay gacmahii ay shaqada uu rabo ku qaban laheeyd uu ka xiray, ayuu inta qolkii kor kaga xiray ka daneystay, meel uu aadaba!

Maariya markii la waayay oo la gaaray kow iyo tobankii habeennimo ayaa raadis loo galay Maariya, kadib markii hooyadeed ka shakisay in intaas gabadheeda xaflad ku maqnaan karto. Waxeey wacitaan ku bilawday taleefankii Maariya, codkiisa ayeeyna ka dhex maqashay Qolka, iskuguna naxday sidii Maariyo markay ogaatay in ay socoto taleefan la'aan oo kale. Isla maarkiiba teleefankii ma dhigine waxeey wacday saaxiibteed Foos, oo sida ay Maariyo hooyadeed u sheegtay markay ka tageysay ay isla aadaayaan xaflad. Laakiin Foos waxeey u sheegtay in ay ugu danbeysay maantay markay iskuulka wada joogeen.

Maariya hooyadeed waa qaracantay, markiiba waxeey sii wacday waxeey saaxiibo gabadheeda laheeyd oo ay islaheed waa la joogi kartaa. Waana ka wada ag weeysay. Kadiba waxeey waceen boliiska una sheegeen in gabar ka maqantahay, waxaana loogu dhaqaaqay raadis. Foos waxeey timid gurigii Maariya, aad ayaa looga ooysiiyay, ayadoo laga beensaday in aysan ogeen meesha ay jirto Maariyo.

Qolkii mugdiga ahaa, iyo fidiyowgii cajalka baas ku dhex jiray oo kale ah ayaa u yaala, dariishada ayeey fiirisay, balsa wax nuuxsanaa kama aysan arkin, ama guryo u dhaw. Waa yaabantahay, waana aqoonsan la'dahay banaanka ay indhaha ku heeyso, meesha ay tahay. Lama ahan in door saan u weeyn, hal guri oo kale ah ku dhex ooli karo norway meel kaga yaalay.

Balsa hada ayadaaba ku dhex jirta, ama beeni ama rumeyso, waa xaaldeeda dhabta ah. calaacal iyo shalaay ayeey gashay, ninkaan iyo sida uu u ahaan jiray ayeey soo xasuusatay, ooyin iyo is cuncunitaan ayeey nafteeda u gashay. Labada nin oo somaalida ah waxeey gurigaan ka ahaamsadeen nin ah saaxiibkooda oo norwiij ah, madaama oo asiga hada la degenyahay gabar ay wada noolyihiin oo santarka Oslo degen.

Gurigaan aad ayuu u qurux badanyahay, waana guri ka haray guryihii waagii hore Norway ka dhisnaa, taasna waxaad ka dareemi kartaa qaabka dhismaha guriga, sida oo uraa, iyo waliba kushiinka aan marnaba u ekeyn kuwa aan maantay Norway laga isticmaalo, oo aan laheeyn biyo iyo firinjeer midna.

Ciil waxuu ka hayaa in la qiyaamay, in been loo soo sheegay, in la afduubay, hadane kufsi iyo jir dil loogo daray! Maxeey ka haleysay ninkaan? maxeey yihiin waxa uu ka goosanaayo? goormay xumeeysay? suaalahaas iyo kuwa ka waa weeyn ayaa maskaxdeeda ku soo maaxay, ayadoo maagaysa in ay raadiso sababa xadgudubka intaas la ig keentay, ilaa la kufsaday. dabcan sabab la'aan ma jirto, masa ayadaa moog falalkeedii hore?!.

Maalinkii labaad ayaa bilaabatay, ninkii quraac ayuu u keenay, asoo iska qoslaa, faraxsanahay, erayada afkiisa ka yeeraayane yihiin erayo jeesjees iyo quursi aan caadi aheeyn laga dhadhaminaayo. Ayadane quraacdii ma cunin, inkastoo ay baahi la dhiman rabto, laba biri wax aysan afkeeda gelinin, wax ay cunto oo ka niyad ah ugu danbeysay cashadii ay asiga la cuntay inta uusan soo afduubin.

Ooyintii ayeey iska tirtirtay kuna tiri:" Maxaan sameeyay oo kaaga muteystay waxaad ii geeysatay oo dhan?!" waa fiiriyay, kuna yiri:" Inta aad erayadaas iyo kuwa la mid ah i weeydiineeysid meeshaan kama baxeysid, yeeysan kula noqonin in aan sabab u weeynaayo in aan kayeelo sida aan rabo gabar adoo kale bahda la'a oo adduunka isa siiyay...!" Maayira, ninkii ayeey fiirisay, waana rumeysan weysay warkiisa, oo istiri:-Goormaan adduun isa siisay, sideensa isku siiyay?

Meeshii ayeey fekerkeedii, iyo wadnahii sida in ay matagi rabto ku celcelinee afkeeda, oo waxeeyba moodaa in maskaxdeeda iyo wadnaheeda laga soo fujiyay boosaskii ay jirkooda kaga dhegenaayeen. Maalinkaan waa maalin maalmihii hore ka xun ayeey aheeyd, ninkii intii ka indha gadoodan, ka waji iyo arag foolxun ayaa u soo laabtay, waxuuna cajal gelshay fidiyowga, asigoonan wax salaan ah iska soo hormarin.

Maariya marna raashinkii xalay loo keenay ayeey fiirisaa, marna ninka, qalbigane waa ka ilmeeyne. Cajalka maxaa ku duuban? ma filin caadi ah? masa waa shirqoolkii weeynaa oo gabadhaan loo dhigay? Soo ayada lugaheeda kuma soo doonin in ay meeshaan isku kadoodsato sida in ay xabsi ku jirto? soo ayada guriga waalidkaa, edeb iyo sharaf ku joog lagama weeynin?

...................................... La soco qaybt so socota!
WALAAL ADIGOO MAHADSAN WIIXI FEKRAD AMA DHALIIL AH iigu soo celi e-mail:
samsam_1989@hotmail.com

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aan waa ka mamnuuc mala'awaal ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.

W/Q Ifraax Yusuf C. (Ifka)

Halkaan ka Aqriso Qeybihi Hore Ee SheekadaQaybtii3aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii 2,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii 1,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip