QAYBTII 5AAD:"PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH

0
Saturday September 18, 2010 - 20:31:58 in Paltalk Waa Mucjiso by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QAYBTII 5AAD:"PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kasta waa sii baryaaa, gabar lama haayo, qof xataa aragtay weli lama arag. Booliskii waxeey iskugu waceen dadkii yaqaanay, oo qofwalba wareeysi lana sameeyay, lana suaalay waxyaabo badan, ardaydii, macalimiintii iyo dadkii kale oo ay isyaqaaneenba.


Balsa nasiib darro labadii qof oo ugu danbeyay oo arkay Maariya waxeey noqdeen macalin ka mid ah macaliminteeda, iyo wiil ay isku galaas yihiin. Macalinku waxuu arkay ayadoo ag mareysa boondada, degdegsan, una muuqato qof meesha ay u socoto og.

Wiilkuna waxuu ku soo arkay shaleemada ayadoo la joogto nin dheer, xoogan, midibkiisuna madow yahay, oo ay filinkii kadib is raaceen. Waxaa la raadshay ninka uu wiilku tilmaamay, weeysa adagtahay sida lagu helo,
maadaama kumanaan nin oo leh tilmaantaas ay joogaan magaaladaan.

Hooyadeed waxeeyba is leedahay gabadhaadii baddaa qaaday, ama boondada macalinku ku arkay ayaa lagu tuuray.

Booliiskii meel aysan gelin ma jirto oo aan aheeyn guryaha dadka degenyihiin, bada, wabi iyo boonda kasta waa laga raadshay maalinkaan. balsa wax ku sheegaa gabadhii geeri ama nooli waa la waayay.

Hooyadeed iyo aabaheed meel ay ku quustaan ma yaqaaniin waqtiguna waa sii dhamaanaa, maalinba maalin cusub ayeey isku sii dhiibee oo is bedeshaa.

Cajalkii waa bilawday, Maariya waa ka sii jeesatay, masa oga in ninku filinka u shiday si uu u quus siiyo, oo filinkaan AYADA ayaa laga duubay, laguna wargeliyay in qof sadaxaad guriga la joogo, oo ka duubay filinkaas.

Hadane cajalado laga soo dhigi doono cajalkaan, laguna faafin doono meel walba, laga yaabee in internetkka la gelsho oo aduunka dhan laga fiirsado, waxa gabadha soomaaliyeed lagu sameeyay?

Laakiin marka saas lagu sameeynaa waa hadii ay diido amarka la siin doono, ama si qaldan wax ka mid ah waxyaabaha loo diri doono u sameeyso! Maariya meeysan rumeysanin warka ninka ilaa ay indhaheedo ku aragtay wajigeedii oo ay taqaano, jirkeedii oo aysan beenin karin, iyo codkeediiba!

Maariyo markay aragtay sida ay nafteeda u dayacday, qaawanaanta jirkeeda, ninka sida uu rabo ka yeelaa, miir la'aanta heeysatay markii filinkas laga qaadaayay, ayeey hal mar shib tiri, istaagtay ninkii fiiro ugu dhaqaaqday, daqiiqado kadibna qosol ku dhufatay, sida qof aragtay wax lagu qoslo!!

Maxeey ku qoslee? Maariya ma fiyowdahay, oo maskaxdeeda weli ma caafimaad qabtaa??! Ninkii waa la yaabay, waxa ay ku qosleeyso, iyo sida dabaalnimada ah ay ugu qosleeysaba.

Asigii ayaaba isku naxay, ka cabsaday in ay disho, ileen xoogga ay qabto dartiisa xargihii uu gacmaha kaga xiray waa furtay, kuna soo buuday, ayadoo iska qosleeyso, sina qosolkeeda ooyin kaga muuqato.

Ninkii kale ayaa soo baxay, inta isla qabteen ayeey maageen bal dhar u gelsha. Laakiin waa ka diiday, oo farxad iyo qosol aan la aqoonin meesha uu kaga yimid ayaa ku soo digatay gabadhii, muruga, naxtin, amakaaga iyo qiyaanada ku dhacday darteed afka la heeystay.

Nimankiina midba mar shushumisaa, oo ku dhegdhegtaa. Ninkii kale horay ayuu ka fahmay in wax ka qaldanyihiin gabadha kuna yiri kii kale:" War walaahi weey WAALATAY, fiiri sida ay u qosleyso?

Weey waalatay, suurtagal maahan in qoftii aad ogeed waxa aad ku sameeysy oo aad tustay wixii oo dhan in ay qosol ka qaado wixii ku dhacay sida in ay yihiin wax lagu farxo ama lagu qosli karo" labadii nin amakaag iyo madax xogxogasho ayaa ka soo hartay.

Markii hore in ay ayada kadeedaan ayeey rabeen laakiin hada ayagaa kadeedii galay. Waa yaab, badd weeyn ayaa la wada dhex dabaalaanaa, car waa ninkii ay laqdo.

Ciyaarta wax ka soo dheela! Labadii nin midkii gabadha asiga loo shirqoolay oo afduubkaan ka danbeeyay ayaa yiri:" War dabaalyahow naagtu filin ay noo jilee, in aan iska deeyno ay rabtaa walaahi in aysan waalneeyn.

Anigaa ka aqaano naagtaan, sirteeda maba taqaanid" Kii kale warkaas ulama muuqdo wax suurtgal ah, ama qof sida gabadhaan oo kale u da'ayar in ay iska dhigi karto sida ay hada tahay.

Labadii nin muran iyo is afgarad waa ayaa markiiiba ka dhex ololsamay. Waxeeyna isku heeystaan aan gabadhaan dhar xoog ugu gelino, kadibna waddo ama badda ku tuurno, iyo aan heeysano ilaa laga sabraayo, ama aan iska hubineeyo in ay waalantahay iyo inkale. Hadii kale weey na sheegee, waana nala soo qabanaa. Balsa la iskuma raacsan.

Yaa diidan? Maxaa sabab u ah is afgaran waayaan? Maxaa looga fekerin runta? Soo xabsiga lama wada geli doono? Ma dhabaa in ay waalantahay Maariya ama waalatay wixii ku dhacay kadib? Waa suaalo taagan, oo aan jawaabtooda la heli doonin ilaa waqtiga laga gaaro. Danbiile waa danbiile, Illaah hadii uu garabkiisa ka baxane qodkoo qoday ayuu ku dhaci doonaa gargaar la'aan!! Soomaali horay ayeey u tiri: �Gud sireed ha qudin hadii aad qudinna ha dheereeynin ku dhici doontidaa ma ogide!�

La soco qaybta so socota!

WALAAL ADIGOO MAHADSAN WIIXI FEKRAD ANA DHALIIL AH iigu soo celi e-mail:samsam_1989@hotmail.com

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aan waa ka mamnuuc mala'awaal ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.
03.11.2008 W/Q Ifraax Yusuf C. (Ifka)

Halkaan ka Aqriso Qeybihi Hore Ee Sheekada

Qaybtii 1,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii 2,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii3aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii4aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip