QAYBTII 6AAD:"PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH)

1
Saturday September 18, 2010 - 20:34:55 in Paltalk Waa Mucjiso by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    QAYBTII 6AAD:"PALTALK WAA MUCJISO!"– (SHEEKO XIISO LEH)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maariyo waa ka dhab weey waalatay. Sida ay yeeleeyso qof aqli qabto ma yeeli karto, labadii nin itixaan ayaaba qoorta u galay, talo waa iskaga murugsantahay, meel ay wax ka doonaan waa la'yihiin ilaa iyo hada.

Awalba wax wanaagsan kuma aysan heshiinin, Illaahaa qoorta isku geliyay, mid waxuu rabaa oo dhab ka ah inuu dilo gabadha, si aysan u sheegin, oo shaydaan ayaa u qurxiyay in ay tahay halka waddo oo ay ku fakan karaan dilkeeda, kan kale fikradaas lama wanaagsana ee waxuu rabaa maadaama ay waalatay oo aysan xasuusan karin wixii soo dhaafay oo dhan, in ay dhar nadiif ahna u gelshaan, kana ilaaliyaan gacmahooda si aan hadow boliisku markuu gabadha baaraayo u aqoonsanin, kadiba ku tuurana badda.

Labadii nin waxeey isku noqdeen dooli iyo yaanyuur shabaq la iskugu xiray. Sidee ku heshiin doonaan? ma isku raaci doonaan in Maariya laga taqaluso? Maxeey sameeyn doonaan si ay boliiska kaga badbaadaan iyo dadkii gabadhaan dhalay? Intee qarisa oo ay ku dhuuman doonaan?

Gabadhaan hooyadeed weli waxeey aaminsantahay in gabadheeda saaxiibteed Foos wax ka ogtahay meesha gabadheedo jirto, ama lagu qariyay waxeeyna ku tiri inta kaligeed qol la gashay:" Eedo macaanto waan ku baryaa ii sheeg hadii ay jiraan wax aad ogtahay, ma aaminsane in ay Maariyo aaday meel adna ogeen, ii sheeg ma nin aan ogeen oo ay la socotay ayaa ka danbeeyo arintaan oo ay la fakatay? aniga ha iga cabsanin, waa ku baryaa eedo macaanto, in aan ogaado in ay nooshahay ama ay dhimatay oo aan meeydkeeda arko ayaa igu filan

Foos!" Foos waa iska ooysay, wax ay ugu jawaabto waa aqoon weysay, waa ogtahay in aan warkeeda la rumeysaneynin, xataa ayada hooyadeed iyo aabaheed ayaa habeen iyo maalin baryo ugu jiro, yaasa u sheego in aysan ogeen meesha ay jirto, oo ay xataa markii iskugu danbaysay aheeyd mar ay galaaska isku dhex arkeen, kadibna aysan il saarin.

Maariyo waa ka sii dartay xaaladeedii, waxeey u muuqataa in ay caruurowday, oo waa tan aan rabin in ay ku socoto lugaheeda oo gurguuraneysa, nimankii hooyo ku leh, sida cunug yar korkooda ku fadhiisaneeysa, wajiga u salsalaaxeeyso, la qosleeysa, shushumineeysa, maba ahan qoftii waxaad ogeedeen loo geeystay.

Maskaxdeeda waa is dhex martay, meel ay joogto iyo qof ay la joogto midna ma taqaano, waxeey ku laabatay xilligii caruurnimada!
Labadii nin waxeey is murmaan, mid walba sida in dagaal lagu jiro uu iska waaniyo in uusan qaadanin kan kale fekradiisa ayeey maalinkii shan iyo tobanaad ku baraarugeen qoftii oo ka maqan qolkii ay ku xireen, meel ay aaday adiguba sheeg.

Labadii nin waa is fiirsheen, qolalkii ayeey baaritaan u galeen, maxaa ii dhiibatay ayaa ka dhacday, amakaag iyo is eedeeyn ayeey iskula kaceen. Wax ay sameeyaan ilaa iyo hada waa la'yihiin, banaanka ayeey tagaan, ilaa laamiga meesha uu iska gooynaayo waa ka raadsheen, mid baabuurkii ayuu qaatay midna lug ayuu waddooyinka u dhadhawaa oo dhan ku soo maray.

Balsa wax u ig xataa Maariya lama arag ayadii warkeeda dhaafi. Labadii nin adduunkii awalba ku yaraaday ayaa ku soo dumay, naxtin iyo dhegataag ayeey galeen, oo codkii baabuur oo ay maqlaanba waxeey moodaan baabuurka boliiska, oo fadhiga ka kacaan.

Maariya nasiib wanaag ayaa albaabkoo furan iyo ayadoo jeclaatay in ay banaanka aado iskugu soo beegmay maahane cadawgaaga ka fako maskax ay isku tiraahdo ma qabto, oo waalida ku dhacday waa mid aqliga iyo fekerka oo dhan tirtay sidaas daraadeed ma ogaan karto mana dareemi karto waxa qatartu ugu jirto iyo in dadka ay la joogto ay afduub ku heeystaan maadaada ay ogaalkii oo dhan beeshay maalmo ka hor.

Waxeey socotaa laami, baabuur badan horay iyo galaad iskugu dhaafaayaan, meel gees ah ayeey ku socotaa, waa caga cadahay, surwaal daba gaab ah iyo fanaanad garbo go'an ah ayeey wadataa, tinteeda waxeey u igtahay tin si kas ah loogo dheelay, oo ood kor wada fiirineysa ayeey noqotay.

Waxeey u muuqataa oo qofkii meel dheer ka arko isleeyahay waa gabar u socoto jimicsi, sida ay u ordeeyso, dhididka ka socda iyo dharka ay wadataba waa ka sii marqaati kacaayaan fekerka dadka, laakiin markaad u soo dhawaatid ayaad dareemi kartaa in ay tahay qof dayacan ama wax uun si ka yihiin, oo wasaqda iyo daalka wajigeed ka muuqdo ayaa kuu sheegaa in ay caawin u baahantahay.

Waxeey saas u orodaba halmar ayeey go'aansatay in ay gooyso laamiga, oo dhinaca kale marto, waana tan ayadoonan iska fiirinin wax baabuur ah soo gashay wadadii.

Qof waqtigeedii dhamaaday ayaan la celin karine, waxeey la kulantay baabuur uu wado wiil dhalinyaro ah, goorba aan ayada wax badan ka weeyneen, asna si ugu maqan adduun kale oo aanba is moodin inuu laami magaalo dhex bartankeedaa ku yaalo ku wado baabuur ayaa ku qaaday gabadhii baabuurkiisii, oo gabadhii inta tuuray hal qari kaga dhigay laamigii, baabuurkii iyo asigiina meel darbi ku dhejiyay.

Baabuurtii waa istaagiin, dadkii dhinacii gabadha ayeey ku soo firxadiin, qaarna wiilkii iyo baabuur ayeey ku ordeen, kuwa taleefanadoodii ayeey la soo boodeen, oo waceen taleefan aan maskaxdooda marnaba ka bixin, si ambulaans (baabuurka lagu qaado dadka jiran/dhaawaca ah) iyo si gaargaar degdeg loola soo gaaro dadka ku dhaawacmay shilka.

Maariya ma noolaan doontaa? Ma arki doontaa hooyadeed oo ah halka qof oo weli sawirka wajigeeda maskaxdeeda ka dhumin, oo ay tabeyso? ��

La soco qaybt so socota!

WALAAL ADIGOO MAHADSAN WIIXI FEKRAD ANA DHALIIL AH iigu soo celi
e-mail:
samsam_1989@hotmail.com

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
W/Q Ifraax Yusuf C. (Ifka)

Halkaan ka Aqriso Qeybihi Hore Ee Sheekada

Qaybtii 1,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii 2,aad 'Paltalk waa Mucjiso!' (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii3aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii4aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Qaybtii5aad"Paltalk waa Mucjiso!"– (Sheeko Xiiso Leh)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip