Somalida Mareykanka Oo Kasoo Horjeesatay Xariga M/Dhere

0
Monday February 28, 2011 - 12:50:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalida Mareykanka Oo Kasoo Horjeesatay Xariga M/Dhere

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweyne ay isku yimaadeen Xalay waxgaradka, saraakiisha, aqoonayahanada, ardada iyo Haweenka Jaaliyada Mudulood ee ku nool gobolka Minnesota ayaa waxay ku baaqeen in la sii daayo Gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir ahaana Duqii Muqdisho Mudane Maxamed Omar Xabeeb (Max’ed dheere) kulankaas waxaa laga soo saaray baaq ka kooban sedex qodob oo kala ahaa.

  1. In ay Jaaliyadu si buuxda u taageersan tahay howlgalka dowlada Federalka ay ka wado caasimada Muqdisho laguna dabarjarayo Al Shabaab.
  2. In M/weynaha DFKMG ah Mudane Sheik Shariif Sh. Ahmed in uu sharuud la’aan sii daayo halyeey Maxamed dheere lana dhowro xaquuqda muwaadinka sababtoo ah Beeshu way ka soo horjeeda caburinta lagu hayo siyaasiyiinta ka soo jeeda Beelweynta Mudulood.
  3. In Dowlada ay joojiso xabadaha ay ku ridayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee taageeraya sii daynta Halyeey Maxamed Dheere taasoo ka soo horjeeda xuriyatul qowlka dadweynahana ay xor u yihiin inay mudaharaadi karaan lagana daayo caburintataa soo ah mid ka soo horjeeda xaquuqda aadanaha indad dowlad sheeganaya ay ku furaan rasaas dadweyne mudaharaadayo taageera buuxdana siinaya sii daysmada halyeey Max’ed Dheere, iyadoo waliba Dowlada dad aad u fara badan ay dhaawac u gaysatay qaarna ay isbitaalada ku geeriyoodeen iyadoo waliba dadkii la dhaawacay ay ka mid ahaayeen Suxufiyiin Soomaaliyeed oo la dhaawacay taasoo ah mid aan loo dulqaadan karin kana hor imaanayso qawaaniinta u degsan suxufiyiinta aduunka.
















W/D: MUKTAR KATIITOW

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip