Jabuuti oo Dhaliishay Shirka ka dhici Doono Kenya

0
Thursday March 31, 2011 - 17:15:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti oo Dhaliishay Shirka ka dhici Doono Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan ayaa sheegay in dalkiisu aanu ka qeyb geli doonin shir Soomaaliyeed oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna Wasiirku sheegay in shirkaasi uu yahay mid uga sii daraya xaalada dalka Soomaaliya.

"Arrintaas aad iyo aad bay noola xun tahay" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha diinta iyo Owqaafta Dowladda Jabuuti oo sheegay dhinaca kale in shirkaasi uu yahay qasid la qasayo xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya, isla markaasina ka hor imaanaya axdigii lagu saxiixday dalka Jabuuti ee ay ku dhisan tahay Dowladda KMG ah.

Xaamud Cabdi Suldaan Wasiirka arrimaha diinta iyo Owqaafta Dowlada Jabuuti waxa uu sheegay in shirkaasi lagu martiqaaday maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoona sheegay in shirkaasi uu yahay mid aanay waxba ka soo baxeynin, bacdamaa Dowladda KMG ah iyo maamul goboleedyada ay yihiin kuwo aragtidooda aad u kala fog tahay.

Waxa uu sheegay Xaamud Cabdi Suldaan in dowladiisu ay ka mid tahay dowladaha deriska ah ee sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, isla markaasina dhowr jeer Soomaalida loogu qabtay shirar dib u heshiisiin, wuxuuna ugu baaqay QM iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya inay ka shaqeeyaan nabadda ka dhacda dalka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip