Wararka Shirka Nairobi iyo Ahlusunah Oo Banaanka Loo Saaray

0
Tuesday April 12, 2011 - 19:18:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararka Shirka Nairobi iyo Ahlusunah Oo Banaanka Loo Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa manta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi shirka la hadal hayay ee garwadeenta ka aheed Qaramada Midoobay iyadoo shirkaana kazoo qeyb galeen qeybo badan oo kamid ah maamulada ka jirta Gobolada Dalka Somaliya.

Shirka Ayaa bilowgiisi horeba waxa uu ahaa mid albaabada uxiran isla markaana saxaafada dibad joog ka aheed hasa yeeshee wararka laga helayo shirka ayaa manta waxa uu ahaa mid si aad ah loogu weeraray xukuumada somaliya.

Dhaliisha Xukuumada ayaa inteeda badan waxa soo jeediyay wafdiga Puntland sida ay kuwarameen ilo hoose oo shabakada warsheekh uga xog waramay shirka iyo ajandayaashi manta la iskula soo qaaday, iyadoo wakiilka qaramada midoobay ee Somaliya uu halkaa ka sheegay mr Mahiga in Madaxda Dowlada oo ku qancin waayay kasoo qeygalka Shirka.

Majirto wax jawaab Celina ah oo ay wafdigi barlamaanka dowlada ee ka qeybgalay shirka ay ka bixiyeen eedeenta Puntland usoo Jeedisay Dowlada Somaliya hasa yeeshee shirka ayaa umuuqday mid aan cusbo laheen bacdamaa cida muhiimka aheed iney kazoo qeybgasho ay ka baaqsatay.

Dhanka kale waxa bilowgi shirka qilaaf xoogan ka dhax qarxay cida sida dhabta ah umataleeso Culuma’udiinka Ahlusunah oo xiligaani door muuqdo kuleh siyaasada dalka waxana gabi ahan shirka laga saaray wafdigi Ahlusunah ee shirka joogay kuwaasi oo laba dhinac ka socday waa Gobolka Banaadir iyo Gobolada Dhexe ee Somaliya, balse Beesha caalamka ayaa marki danbe xal uheshay in si wada jir ah shirka uga wada qeybgalaan mas’uuliyiinti magaca ahlusunah shirka kutagtay.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip