Sida ay kusoo waramayaa saraakiisha Ciidamada DKG ah Somaliya ayaa sheegaya in Xubnihii ugu sareyay ee Maamulkii la magac baxay Dooxada Wabi Shabelle oo dhawaanahan ku sugnaa isgoyska Kalaber ay sake ku amren Ciidamada Ethiopia in wixii hub ah ay haysteen ay ku wareejiyaan Horjoogayaasha Ciidamada Dowlada Somaliya ee degaankasi ku sugan sidoo kalana ay isaga baxaan goobaha ay joogaan cidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethiopia .
Sarkaal diiday in magaciisa la xuso oo ku sugan Kalaber ayaa xaqiijiyay in howlgalka degaanada waqooyi ee magaalada baladweyn bari wixii ka dambeya iga wax laga weydiinayo maadama bilihii dambe shabaabku ay haysteen fursad ay si nabad ah ugu shaqeysanayeen qeybo ka mid ah gobalka taana ay suurto gal uga dhigeen sida uu hadalka u dhigay
“Rag sheegayanayaa Masuuliyiin marka dhan laga fiiriyana wada shaqeyn buuxda la leh Shabaabka oo tirada iyo tayada ciidanka mar walba u gudbin jiray hubka iyo rasaasta ciidanka qarankana si aan gabasho laheen ugu geyn jirin degaanka tuulada Harar oo ah difaaca ugu horeya ee shabaabku ku leeyihiin waqooyiga bari ee Baladweyne”
Maalamhii ugu dambeyay ayaa waxaa si aad ah sare ugu kacay qilaafka ka dhexeyaa kooxaha ku sugan kalaber ka dib markii laysku maan dhaafay qeybsiga lacagaha baada ah ee laga qaado Isbaarada taal kalaber oo in ka badan 60% ay saami ahaan u leeyihiin Ciidamada Ethopia halka 40 kale ay isaga tagri falayeen Dooxada Wabi shabelle iyadoo Ururkaasina ay Masuul ka tahay Haweyneydii uu ka geeriyooday Absaddor Laqanyo taas oo lagu magacaabo Maryan Xeyle
Haweynedii uu ka geeriyooday C/kariin Faarax Laqanyo xog badan kama hayso ula jeedada Ururka Dooxada Wabi shabeele balse waxaa ay aaminsantahay in ciidanka iyo masuuliyiinta la jooga ay diyaar uyihiin in ay uga aaraan kooxahii sida arxan dara u dilay Nin keeda ee wali si xuriyada ah isaga dhex mushaaxayaa inta badan Gobalka Hiiraan .
Sababta in meesha laga saaro Dooxada Wabi shabeele waxaa ka shaqeynayaa Waxgarad reer Hiiran ah oo ku kala sugan Gudaha Baladweyne,Muqdisho,Nairobi iyo meelo ka mid ah Qaarada Yururb kadib markii ay fahmeen in Dooxada Wabi Shabele ay tahay Wakiilka Alshabaab ee Beesha Xawaale ka dib markii ay shaqeyn weyday in Xubno ka dhex muuqda Alshabaab ay soo tabiyaan sirta iyo xuuraanka howlaha ka dhanka ah alshabaab ee ka Socda inta u dhaxeysaa Degaanka Labiga Hiiraan ilaa Ceelgaal ciidanka dooxada wabi shabeele waxaa ay isugu jiraan saraakiil ka tirsaneed ururkii Xisbiga iyo qaar ka mid ah sirdoonka Al-Shabaab oo dhinac walba ka naafeyay dadaalkii ay dadka degaanka ugu jireen in ay iska dulqaadaan Gumeysiga alshabaab
Ethiopia oo Dooxada shabelle ku Amartay in ay Hubka soo Wareejiso