Imaamka Habar Gedir: "Xasan Daahir waxa uu igu hanjabay "

0
Thursday November 03, 2011 - 16:42:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaamka Habar Gedir: "Xasan Daahir waxa uu igu hanjabay "

    Imaam C/laahi Khaliif Rooble imaamka beelaha H/Gidir ayaa sheegay in Sheekh Xasan Dahir Aweys ugu hanjabay inuu dili doono, wuxuuna sheegay inuu qadka taleefanka hanajabaad ugu soo gudbiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaam C/laahi Khaliif Rooble imaamka beelaha H/Gidir ayaa sheegay in Sheekh Xasan Dahir Aweys ugu hanjabay inuu dili doono, wuxuuna sheegay inuu qadka taleefanka hanajabaad ugu soo gudbiyay. Imaamka ayaa sheegay in hadii Al-Shabaab ay rabto in ay la heshiiso beelaha Habargidir loona baahan yahay inay soo buuxiso sharuudo ay ka mid yihiin inay soo martaa odoyaasha cuqaasha iyo wax garadka Beelaha H/Gidir waxa uuna sheegay in heshiiska uu ahaado mid ka soo bilowda Gobolada ay degan yihiin Beelaha H/gidir ilaa Gobolka Banaadir.

Hanjabaada Xasan Daahir ayaa la sheegay inay ku aadan tahay qof kasta oo isaga ka hortimaada, waxayna tani muujinaysa sida uu yahay hab dhaqankiisa, islamarkaana u raadinaayo awood uu ka helo beesha uu ka soo jeedo ee Cayr.

Dhanka kale Hanjabaad loo soo jeediyay imaamka beelaha H/Gidir ayaa ku soo aadaysa xilli Xasan Dahir Aweys mar uu la hadlay warbaahinta odoyaasha qaar kood ee ku jira beelaha Habar Gidir ku eedeeyay in dhalinyarada beesha ay u diideen ka dhinac dagaalamaan Al-Shabaab.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip