Shacabka Reer Jabuuti ayaa si aan hagar laheen usoo camiray garoonka iyagoo sacad iyo sawaxan kutaageerayay walaalahooda Soomaalida.
Ciyaaryahanada kuciyaarayay magaca Xulka Soomaalida ayaa waxey galabta soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleestay wallow aysan gool dhalin hadana marka la bar bar dhigo ciyaarahoodi hore wax badan ayeey ka badalnaayeen.
Wiilashi ku ciyaarayay magaca Xulka Soomaaliya ee maanta wacdaraha dhigay ayaa isugu jiray kuwa la isaga soo kala xulay Gobolada Dalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah qaaradaha Yurub iyo Ameerika.
Natiijada maanta ee ciyaarta oo noqotay 0-0 ayaa waxey ka dhigeysa mid fursad u abuuri karto xulka Dalka Somaliya bacdama uu kusoo baxo natiijo walba oo bareejo goolal wadata ah .
Soomalaiya ayaa looga fadhaa iney bareejo goolal ah ama badis kasoo qaadato wiilasha Reer ithiopia oo maanta ciyaar bareejo ah lagalay xulka Dalkeena Somaliya iyagoo waliba ku ciyaaryay qeybta danbe ee ciyaarta 10, Ciyaaryahan kadib marki uu Calaamada Cas kaqaatay ciyaaryahanka qadka dhexe kaga ciyaaryay.
Xulalka Somaliya iyo Ethiopia oo isku Garab dhacay
Ciyaar xiiso badan oo katirsan isreeb reebka koobka kubada cagta aduunka ayaa waxey maanta kudhax martay garoonka Djbouti ee wadanka Jbouti, Xulalka Soomaaliya iyo Ethiopia.