Xulka Dalka Ethiopia oo Xulka Somaliya ku Garaacay 5-0

0
Wednesday November 16, 2011 - 20:20:21 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Dalka Ethiopia oo Xulka Somaliya ku Garaacay 5-0

    Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ka haray is reeb reebkii Koobka Aduunka ee sanadka 2014 lagu qabanayo dalka Brazil, kadib ciyaar xiiso laheyd ka dhacday garoonka Magaalada Addis Ababa oo aheyd lugtii labaad ayaa looga badiyay shan gool iyo waxba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ka haray is reeb reebkii Koobka Aduunka ee sanadka 2014 lagu qabanayo dalka Brazil, kadib ciyaar xiiso laheyd ka dhacday garoonka Magaalada Addis Ababa oo aheyd lugtii labaad ayaa looga badiyay shan gool iyo waxba.
Bilowgii hore ee ciyaarta ayaa waxay ku bilaabatay dar dar aad u xoogan, iyadoo ciyaartoyda Itoobiya oo maanka ku hayay in gurigooda lagu ciyaarayay ay durba bilaabeen inay mowjado weeraro ku qaadaan goolka Kooxda Soomaalida.

Daqiiqadii 5aad markii ay ciyaarta socotay ayaa qaladaad ay sameeyeen daafacyada xulka qaranka Soomaaliya ay sababtay in gool uu ka dhaliyay ciyaaryahan Okwury oo ka ciyaarayay garabka midig.

Goolkaas ayaa u horseeday ciyaartoyda Soomaalida in kubada maamulkeeda lagala wareego, waxaana 25-daqiiqo ee ciyaarta la dareemayay in ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya inay gabeen in kubada xataa taabtaan, waxaana muuqanayay is faham daro ka dhaxeysa daafacday.

Hase ahaatee 15-kii daqiiqo ee u dambeysay ka hor dhamaadka qeybta hore ayaa waxooga madaxa la soo kaceen ciyaartoyda Soomaalida, waxaana labo jeer fursad u sigay ciyaaryahan Ciise Midnimo, hase ahaatee nasiibka ma saacidin.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay gool iyo waxba oo ay ku hogaaminayeen ciyaartoyda Itoobiya, waxaana markii la isku soo laabtay qeybta labaad, ciyaaryahanada Soomaalida waxay noqdeen kuwo lagu dur duriyay oo laga daba geeyay afar goor oo daran doori ahaa, waxaana goolasha ka dhaliyay labo wiil oo qatar ahaa, laguna kala magacaabo Bekele iyo Kebede.

Labada Gool ee hore oo uu dhaliyay Bekele ayaa daqiiqadii 62aad iyo 65aad dhaliyay muddo saddex daqiiqo oo uu labo gool daran doori goolhayaha xulka qaranka Soomaaliya ka dhaliyay.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa daqiiqadihii 87aad iyo 90aad waxaa labada gool kale u sii saariyay Kebede, taasoo wixii ka haray Xulka Qaranka Soomaaliya uu daadka ku sii raaciyay, waxaana ciyaarta ku soo dhamaatay shan gool iyo waxba.

Taageerayaasha Soomaalida ee Garoonka soo buux dhaafiyay ayaa caleemada u lulaya ciyaartoyda Soomaaliyed, waxaana ay wateen Calanka Soomaaliya, Safaarada Soomaaliya ee Itoobiya ayaa Xaafadaha ay degan yihiin Soomaalida ugu soo qaaday gawaari si ay u dhiira geliyaan ciyaartoyda xulka qaranka, balse natiijadii ay filayeen ma aanay helin, maxaa yeelay niyad jab ayay ka qaadeen guuldarada xanuunka badan ee loo saariyay xulka Soomaaliya.

Inkastoo natiijo wanaagsan ay u aheyd ciyaaryahanada Soomaalida is aragii hore markii lagu ciyaaray dalka Jabuuti oo ay kaga dhigneyd gurigooda oo kale bar bar dhac gool la’aan lagu kala baxay, ayaa fursada kaliya ee halka daaqad furan ayaa aheyd in is araga labaad la yimaadaan natiijo fiican oo ay ku soo baxaan, waxaana ugu yaraan u baahnaayeen in bar bar dhac goolal ah la galaan, si ay ugu soo baxaan sharciga goolasha (Awal Goals).

Ciyaartoyda Soomaalida ma muujin ciyaar la mid ah tii ay ku ciyaareen Jabuuti, waxaa mooday in dhanka cimilada Itoobiya ay la qabsan waayeen, xataa hadii labo maalmood ka hor yimaadaan Magaalada Addis Ababa.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip