Xildh. Ghedi " Barlamanka Soo Socda masharci dajiye mise Sheekhul Kuli"–

0
Friday December 30, 2011 - 13:31:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Ghedi " Barlamanka Soo Socda masharci dajiye mise Sheekhul Kuli"–

    Shirkii wada tashiga Soomaliyeed wejigiisii labaad ee dhowaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa lagu go'aamiyey in uu baarlamaanka soo socda ee dalku yeelan doono uu noqdo 225 xubnood, iyagoo xilkaas hayn doona m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii wada tashiga Soomaliyeed wejigiisii labaad ee dhowaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa lagu go'aamiyey in uu baarlamaanka soo socda ee dalku yeelan doono uu noqdo 225 xubnood, iyagoo xilkaas hayn doona muddo afar (4) sanno ah oo looga bilaabaayo, marka xilkaas loo dhaariyo.
Haddaba su'aasha leys weydiinaayo waxay tahay, baarlamaan caynkee ah ayuu noqon doonaa baarlamaanka soo socda?, maadaama maskaxda shacabka Soomaliyeed intooda badan aay ka guuxeyso hab-dhaqanyadii baarlamaanyadii dalka soo maray, laga soo billaabo sannadkii 1956kii oo ahayd afar (4) sano ka hor, intaan si rasmi ah calankii xorriyada aanan loo saarin, xorriyadaas oo loosoo maray xakaar, xag-xagasho iyo xannun badan oo runtii aanan qormadaan lagu soo koobi kareyn.

Sannadihii 1956kii ilaa Oktoober 20, 1969kii, wuxuu dalku lahaan jiray baarlamaan inta badan ka koobnan jiray 20 ilaa 123 kursi oo laga soo kala dooran jiray, dhammaan dalka deegaanadiisii kala duwneey, sida taariikhdu xuseyso, baarlamaanadaas waxay ku eeg' keen jireen oo kaliga waajibaabkii loo idmaday oo ahayd " shirci dejinta dalka", iyadoo weli lagu xusuusto qiimihii, qaayihii iyo sharaftii aay lahaan jireen baarlamaanadii dalka soo maray muddooyinka kor ku xusan, muddooyinkaas marna baarlamaanadii jiri jiray kuma aysan xad-gudbin mid ka mid ah hay'adihii dastuuriga ee xilligaas dalka ka dhisney, muddooyinkaas uu karaamaha lahaay baarlamaan Soomaliyeed, waxaa Shir Guddoomiyayaal ka soo kala noqday, kuna kasbaday magac fiican iyo sumcad weyn, mudanayaash uu magacyadoodu hoos ka muuqdo:-

1) Ex-madaxweyne al marxuun Al Xaaji Aaden Cabdulle Cismaan ( Aden Cadde) 1956dii, 1959 & 1960kii
2) Ex-Guddoomiye Baarlamaan Mudne Jaamac Cabdullahi Qaalib 1960kii -1964kii
3) " " Mudane Axmed Sh. Maxamed Cabsiiye 1964tii - 1965tii
4) " " Mudane Shiikh Mukhtar Maxamed Xuseen 1965tii - 1969kii

Oktoober 21, 1969kii ilaa Disember 31, 1990deedii, dalka kama uusan jirin baarlamaan xur ah, marka laga reebo golo magac uyaal ahaay oo loogu yeeri jiray " goloha shacabka oo tiradoodu aheyd 174 xubnood, balse waxaa dalka ka jiray xukun militari oo aay hoggaaminayeen 25 xubnood oo la oran jirey " Golahii Sare ee Kacaanka", shan iyo labaatankaas (25) xubnood, waxay ahaayeen Shiiq-khul kulliyaal, inkastoo ay qudhoodu si dadban u kala awood sarreeyeen, markii danbena waxaa si cad usoo shaac baxday, inay kala sarreyntoodu aay ku saleysneyd deegaanada aayka soo kala jeedeen 25tankaas xubnood, taas oo aaqiritaankii keentay in 5 ilaa 8 xubnood laga tuuro Tariirkii taliska, iyadoo qaarna tuunka laga gooyey, qaar kalana inta muddo la xiray, leyska sii daayay ee lagu yiri " baxa oo ilmihiina u xiirta, kuwa tuunka laga gooyeey Alle ha unaxariistee, waxay kala ahaayeen:-

1) Gen. Salaad Gabeyre Kediye oo ahaay dhaliyihii Kacaankii 21tankii Oktoober iyo geesi qaran, waa la Toogta
2) Gen. Maxamed Caaynaanshe Guuleed " " "
3) G/le. A/qadir dheel oo aanan ka mid aheyn '
GSK
waxaan naftoodii aan la dhaafsiin, balse la yiri ilmihiina u xiirtay, mas'uuliyinta hoos ku magacaaban:-
1) Gen. Jaamac Cali (Qoorsheel)
2) Gen. Axmed Mohamoud Cadde ( Qoorweyne)
3) Gen. Ismaaciil Cali Abuuker
4) G/sare Cismaan Max'ed Jeelle
5) G/Sare Bashiir Yuusuf Cilmi.
Tacadiyadii kale ee uu geystay regiimkii militariga ahaay, muddadii 21 sano aheyd ee uu dalka hoggaaminaayay, halkaan laguma soo koobi karaayo, balse haddii aan mid iyo labo ka xuso, waxaa ka mid ahaay (17 sarkaal ) oo uu ugu magac dheeraay, sharkaal lagu magacaabi jiray Korneyl C/llahi Sh. Moh'ed (Cirro) oo lagu eedeeyay inay isku dayeen Afgembi militari, ayaa maalin cad lagu toogtay Iskoola Poliziya, waxaa iyagana halkaas maalin cad lagu toogtay Cumaa'udiin caan ahayd oo tiradoodu ka badneyd toban (10) wadaad, waxaa kaloon la iloobi kareyn tacadigii uu regiimkii militariga ahaay uu u geystay goballadii waqooyi galbeed ee "Somaliland", sidoo kale waxuushnimadii lagu sameeyey reer Puntland, inkastoo dadaal uu xilligaas sameeyey Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, ugu danbeyntii uu regiimkii uu xaal-mariyey reer Puntland, gaar ahaan jabhaddii lagu magacaabi jiray SSDF.

sikastaba, nasiib-wanaag amba nasiib-darro, qofba wuxuu doono hoowgu yeeree, regiimkii militariga ahaay waxaa la ridey Janaayo 1991kii, waxaana si fudud u riday kacdoon dadweyne oo dabeylo watay, kacdoonkas oo ka soo bilowday gudaha Itoobiya iyo goballada dhexe kuna dhammaaday caasimada Soomaliya ee muqdishu.


!991kii ilaa 2002kii dhowr jeer, ayaa leysku dayay in la sameeyo baarlamaan KMG ah, balse nasiib darro weey guuldareysteen dhammaan iskudayid-yaalkaas, wuxuunna wadanku ku jiray intiisa badan fowdo, dagaal sokeeye iyo hoggaamiye kooxeedyo taako taako isu-muuq-muuqdey isbaarooyin dhig dhigta, dhib iyo shido dhammaanteed ka dib, ayaa dhammaadkii 2002dii magaalada El Doret ee wadanka Kenya leysgu geeyey ergooyin Soomaaliyeed oo ay hor-boodaayeen dagaal oogayaankii uu dalku ka degi la'aay.

Muddo ka dib ergooyinkii Soomaaliyeed waxaa shirkoodii loo wareejiyay magaalada Embagati ee isla wadanka Kenya.

Embagati, Oktoober 2004kii, waxaa lagu soo sameeyey baarlamaan KMG ah oo ka koobney 275 xubnood, xubnahaas intooda badan waxaa soo xuley dagaal oogayaalkii xilligaas dalka ugu ciidamada iyo hubka badneyd gaar ahaan koofurtu , aay u is-baareysneyd, sikastaba baarlamaankaas wuxuu guddoomiye baarlamaan u doortay mudane Shariif Hassan Sheikh Aden, intaas ka dib. Baarlamankiina wuxuu Madaxweyne u doortay Mudane Abdullahi Yuusuf Ahmed, madaxweyne A/lli Yuusufna wuxuu Ra'iisul Wasaare u magacaabey Professor Ali Mohamed Ghedi ( Baashaal), nasiib darro muddo yar ka dib waxaa isku dhacey baarlamaankii cusbey iyo Ra'iisul Wasarihii cusbey Prof. Ghedi, si dirqi ah ayuu ku fakaday R/W Ghedi, nasiib darro markale ayaa Madaxweyne A/llahi Yuusuf , baarlamaankii oo isku dhinac ahaay iyo R/W Prof. Ghedi ayaa isku dhaceen, isku dhacaas danbe waxaa ku baxay Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Ali Mohamed Ghedi.

Madaxweyne A/llahi Yuusuf, ayaa wuxuu Ra'iisul Wasaare u soo magacaabey Mudane Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde),
Muddo yar ka dib waxaa isku dhacey R/W Nur Cadde, baarlamaankii oo isku garab-sanaayay iyo M/weyne A/llahi Yuusuf, isku dhacaas waxaa shaqadiisii ku waayay Madaxweyne A/llahi Ahmed.

Baarlamaankii Embagati oo tiradisu aheyd 275 xildhibaan, wuxuu kuraas is-kula tumey hooteelka caanka ah ee la yiraah 680 ee magaalada Nairobi Kenya, shilkaas yax yaxa lahay (embarrassment), waxaa hees caan noqotay ee la yiraah " Xildhibaanimoy Xaal-qaado" ka soo saaray Kooxda Qeylo-dhaamo ee fadhigeedu yahay London U.K.

DJibouti 2008kii, waxaa baarlamaankii Embagati Kenya lagu soo dhisey, ku soo biiray 275 xubnood oo ka socday " Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, ama A.R. S., tiradii baarlamaanku waxay noqotay 550 xildhibaan, markii leysku daray labadii garab ee Embagati Kenya iyo garabkii Jabouti, waxaa loo bixiyay " Barlamaanka midnimada Qaran ee FKMG ah",
baarlamaankii midnimada qaran wuxuu madaxweyne u doortay mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed,madaxweyne mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxuu Ra'iisul Wasaare u magacaabey Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, waxaana markaas baarlamaanka guddoomiye u ahaay mudane Shiikh Aaden Madoobe, balse muddo gaab-neyd ka dib, si farsamo siyaasadeed aay ku jirtay ayaa loo ridey Shiikh A. Madoobe, waxaanna si fudud kursigii goddoomiyanimada baarlamaanka ugu fadhiistay darawalka siyaasada Soomaliya 11kii sano ee lasoo dhaafay mudane Shariif Hassan Sh. Aaden ( last eleven years Somalis' political driver Mr. Shariif Hassan Sh. Aden).

Muddooyinkaan uu darawanka siyaasada Soomali ee xilligaan mudane Shariif Hassan Shiikh Aden , uu hoggaaminaayay shir guddoonka baarlamaanka FKMG ah, dhowr jeer ayaay dhaceen isku dhacyo siyaasadeed oo wadanka dhan geliyay quusitiino rejo, balse waxaay ugu darreed, bartamihii sanadkaan 2011ka, markey isku dhaceen laba Shariif.

Labadaba Shariif, waxaa looga yeerey magaalada Kampala ee wadanka Uganda, siloo dhex dhexaadiyo labada mas'uul ee dalka ugu sarreeyey, waxaana misana halkaas looga yeeray Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Dr. Mohamed Abdullahi Mohamed ( Farmaajo), sida aan filaayo seddexduba ( 3) waxay kala qaateen seddex (3) dayaaraddo oo qaas u ahaay safarkooda Muqdisho to Kampala, iyadoo xilligaas boqollaan Somali ah aay baahi u dhimanaayeen gudaha dalka, laakin oonka Qaraxda ayaa keentay, in dayaarado qaas ah la qaato waxaa keentay is-qilaafka mas'uuliyiinta dalka ugu sarreysey xilligaas.

Laba Shariif, Kampala waalagu soo heshiisiiye, laakiin, waxa lagu soo heshiisiiyey ayaa wadanka oo dhan geliyey darreen aanan la fahmi kareyn (entirely nation mysterious tension), wax yaabaha lagu soo heshiisiiyay laba shariif waxaa ka mid ahaay:-

b), inay laba Shariif hirgeliyaan waxa loogu yeero " Kampale accord, iyo
T), in meesha laga saaro Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Dr. Mohamed A. Mohamed (Farmaajo) oo muddo lix (6) billood aheyd oo uu xilkaas haayay ku kasbaday taageerayaalkii ugu badney abid ee uu kasbado siyaasi Soomaliyeed, wixii ka danbeeyey burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991dii.

Heshiiskii Kampala in uu fidno yahay, waxaa kaaga filan, markii aay Madaxda qaranka aay ka soo laabteen, wadanka xushmada naga mudan ee Uganda, xuruntii xildhibaanada ee baarlamaanka FKMG, waxay isu bedeshey goob lamid ah garoonkii "Is-tunka Afgooye", inkastoo aan leysku tumin kulankii aay xildhibaanadu yeesheen taariikhdu markey aheyd Diseember 29, 2011.

Sidaas awgeed waxaan, halkaan talooyin uga soo jeedinaayaa Guddoomiye amba Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka mudane Shariif Xasan, madaxweynaha DFKMGS mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo baarlamaanka soo socda ee tiradiisu ka kooban tahay 225 xildhibaan.

Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aaden, waxaan xusuusinaayaa mahmaahdii aheyd " meel caddiin amba burruur lagu cuney lafo laguma ruugo", anigoo tixraacaaya mahmaahdaas waxay ilatahay inay Siyaasada Soomaliya aay ku soo dhoweyneysey mudane Guddoomiye Shariif Xasan, 11kii sano ee lasoo dhaafay, laakiin hadda aay Siyaasadu kuu soo taagtay laf, sidaas darteed inta aay karaamo siyaasadeed wax uu danbeeyeen, isaga tag kursiga macaan, ee isasoo sharrax markii la gaaro doorasho madax-bannaan.

Madaxweyne Shiilkh Shariif Shiikh Axamed, waxaan la socodsiinayaa in shacabka Soomaliyeed intooda badan aay ku taageersan yihiin, ( majority support you), aadna waxay u aaminsan yihiin in aad daacad u tahay dalkaaga iyo dadkaagaba, laakiin waxaay ka codsanaayaan inaad kala saarto hoggaaminta dowladnimo iyo saaxibtinimada.

Baarlamaanka soo socda, waxaan kula talinayaa inuu fursad siiyo muwaadininta Soomaliyed, gaar ahaan aqoonyahannada Soomaliyeed ee kala joogga dalka gudihiisa iyo qurbaha, si fursadaas loo siiyo muwaadininta kale waa in xubin kasta ee ka tirsan golaha baarlamaanka aaysan qaban xilalka ee sarsare ee dalka sida Ra'iisul Wasaaranimo, Wassirnimo, ku xiggeeno Wasiirnimo amba Wasiiru dowle, Ambassadornimo, Agaasime Guud, Taliye Ciidan, guddoomiye gobal iwm.

Baarlamaanka soo socda ma wuxuu ku eek keen doonaa shirci dejiyaalka dalka mise wuxuu noqon doonaa shiiq-khul kulliyaal?.

Sanad Wanagsan
happy new year.

Xildh. Mohamouud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Rochester, MN.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip