Rabshado Dhimasho Sababay oo kadhacay Kenya & Doorashadi oo socoto

0
Monday March 04, 2013 - 10:36:04 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabshado Dhimasho Sababay oo kadhacay Kenya & Doorashadi oo socoto

    Ugu yaraan 11-qof oo shan ka mid ay ahaayeen ciidammo booliis ah ayaa ku dhintay rabshado siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya iyo magaalada xeebta ku taalla ee Mombassa, iyadoo doorashooyinkii ay si ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 11-qof oo shan ka mid ay ahaayeen ciidammo booliis ah ayaa ku dhintay rabshado siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya iyo magaalada xeebta ku taalla ee Mombassa, iyadoo doorashooyinkii ay si caadi ah saakay uga billowdeen. Goobo loogu talogalay cod bixinta oo ku yaalla laba xaafadoo oo ka tirsan Mombassa ayaa waxaa weeraray kooxo hubeysan, halkaasna waxay ku dileen 10-qof oo ay ku jireen shan ruux oo booliis ah, iyadoo kooxahaas ay ka baxsadeen goobta lana ogeyn cid ay ka tirsanaayeen.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Kisoweni oo ka tirsan Mombassa ayaa sheegay inay maqleen rasaas aad u xoog badan, markii ay goobta tageenna ay ku arkeen maydadka askarta iyo dadka shacabka ah.

Inkastoo aysan jirin cid lagu eedeeyay weerarkaas ayaa haddana waxaa jira in koox lagu magcaabo MRC ay ku dhawaaqeen inaysan ka qaybgalayn doorashooyinka Kenya, taasoo tuhun weyn dhalisay.

Sidoo kale, kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay xalay gaari uu lahaa mid ka mid ah murashaxiinta u tartamaya xisbiga ODM, waxaana ku dhintay mid ka mid ah shaqaalaha dowladda, halka ay ku dhaawacantay haweeney dhakhtarad ahayd.

Rabshadahan ayaa waxay kusoo beegmeen xilli diyaargarow loogu jiray doorashooyinka madaxnimo ee Kenya oo maanta ka billowday guud ahaan dalkaas, iyadoo aan lasoo sheegin wax rabshado ah oo illaa iyo hadda dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalooyinka ay ka dhaceen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sannadihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen degmooyinka rabashado salfaday nolosha dad aad u fara badan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip