Cesc Fabregas oo sheegay inuu laba jeer ku farxay markii uu Mesut Ozil ku biiray Arsenal
Cesc Fabregas ayaa la yaabay markii ay Arsenal la wareegtay Mesut Ozil, laakiin wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay kooxdiisii hore la
saxiixatay kubad sameeyaha reer Germany.
Cesc Fabregas ayaa la yaabay markii ay Arsenal la wareegtay Mesut Ozil, laakiin wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay kooxdiisii hore la
saxiixatay kubad sameeyaha reer Germany. Geesigii hore ee Gunners Fabregas ayaa ka teggay FLY Emirates Stadium kuna laabtay kooxda ka dhisan dalkiisa ee Barcelona ka dib markii ay ku
iibsatay adduun lacageed dhan 25.5 milyan oo ginni 2011kii.
Laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Spain oo weli jaceyl weyn u haya Arsenal ayaa sheegay inuu ku faraxay markii ay Arsenal heshiis rikoor ah
oo 42.5 milyan oo ginni ah kula wareegtay Ozil.
Fabregas ayaa u sheegay waregeyska Isbaanisha ah ee Marca: "Waan la yaabay u dhaqaaqitaankii Ozil ee Arsenal. Wuxuu ahaa ciyaaryahanka
labaad ee ugu fiican Real Madrid ka dib Cristiano Ronaldo la yaab ayey aheyd inuu teggay.
"Waanse ku farax sanahay inuu ku biiro koox sida Arsenal ah.” Ayuu hadalkiisa kusii maceeyey xiddiga reer Spain.
Cesc Fabregas oo sheegay inuu laba jeer ku farxay markii uu Mesut Ozil ku biiray Arsenal
Cesc Fabregas ayaa la yaabay markii ay Arsenal la wareegtay Mesut Ozil, laakiin wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay kooxdiisii hore la saxiixatay kubad sameeyaha reer Germany.