Laba wadan oo dagaalkooda usoo wareejiyay Soomaaliya (Warbixin)

0
Thursday May 20, 2021 - 20:42:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba wadan oo dagaalkooda usoo wareejiyay Soomaaliya (Warbixin)

    Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in xifaaltanka siyaasadeed ee dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray meeshii u sareysay, xili ay ku loolamayaan gudaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in xifaaltanka siyaasadeed ee dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray meeshii u sareysay, xili ay ku loolamayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Warbaahinta T54 ee Turkiga ayaa sheegay in dagaalka siyaasadeed ee labada dowladood ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeyaa uusan ku koobnayn oo keliya taageerada Millatari ee siiyaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Liibiya, balse uu dagaalkoodu xiriirsan yahay illaa Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa ka dagaalamaya in Turkigu awooddiisa ku fidiyo gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed markii Turkiga uu saldhiga Ciidan ka hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu Imaaraadkuna uu Saldhig Ciidan ka samaystay Magaalada Berbera, sida ay sheegtay warbaahinta T54.

Imaaraadka oo xiriir fiican la leh Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day dalka intiisa kale, ayaa waxa uu uga faa’iideysanayaan xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Turkiga oo asagu dhinaca saaray dowladda federaalka Soomaaliya.

"Turkiga intuu isku muujinayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Imaaraadku wuxuu Saldhig Ciidan ka dhistay Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isagoo taageeraya Somaliland oo Madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991,” ayaa lagu yiri warbixinta.

"Juquraafi ahaan, Imaaraadku wuxuu sii waday inuu Millatari ahaan iskugu fidiyo dhul fog, si uu u sii joogteeyo dib u dhaca Turkiga.”

Dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee Imaaraadka iyo Turkiga ayaa si weyn u soo if-baxay markii ay labada dowladood kala taageereen dagaalka Liibiya, oo Turkiga uu taageero u fidiyey dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee dalkaas, halka Imaaraadka uu dhinaca saaray Generaal Khaliifa Xaftar.

Caasimada Online
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip