Geeraarkii, MA RABAAN ODHAN LAA‏

0
Thursday March 06, 2014 - 08:33:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeraarkii, MA RABAAN ODHAN LAA‏

    Waxaan halkan ku soo gudbinayaa GEERAAR Magaciisa la yidhaahdo, MA RABAAN ODHAN LAA?! Geeraarkan oo aad dulucdiisa ka dhadhansan doonto ayaa ah mid aan kaga hadlayo Marxalada uu marayo magaca MADAXWEYNE, bogasho wacan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa GEERAAR Magaciisa la yidhaahdo, MA RABAAN ODHAN LAA?! Geeraarkan oo aad dulucdiisa ka dhadhansan doonto ayaa ah mid aan kaga hadlayo Marxalada uu marayo magaca MADAXWEYNE, bogasho wacan:

1.Mar haddaan mulkideyda

2.Waxaa maanyada buuxiyo

3.Waxaa meesi adduunyo

4.Mooradayda dhex tuuran

5.Manfacooda aqooninoo

6.Midowgaa yurub sheegta

7.Maraykaankiyo Ruushka

8.Macaawiney bixiyaan

9.Mushahar aan ka sugaayo

10.Talo layga maqlaynoo

11.Manhaj aan ku hoggaansho

12.Maqaamkii sharafeed

13.Milgo buuran lahaynoo

14.Ma rabaan odhan laa.

 

15.Maatadii dhibku gaadho

16.Maciin aan u fidshaa iyo

17.Maamuus aan ku wanaajo

18.Midig aan ku gargaaro

19.Mar haddaanan awoodin

20.Masaakiinta Agoonta

21.Aabbahood ka marxuumay

22.Minan ay ku nastaaniyo

23.Muddul ay ku gam’aaniyo

24.Marxabbaynta naftooda

25.Madaxweyne la sheegoo

26.Maqaamkii sharafeed

27.Milgo buuran lahaynoo

28.Ma rabaan odhan laa.

 

29.Mar haddaan hadalkayga

30.Dadku aanu maqlaynoo

31.Amarkaygu mudnaynoo

32.Meesha aan ula jeedoo

33.Marinaynin hadafkaygoo

34.Majiirahaku hagaajinoo

35.Aanan maaro u haynin

36.Madaxweyne la sheegoo

37.Maqaamkii sharafeed

38.Milgo buuran lahaynoo

39.Ma rabaan odhan laa.

 

40.Mar haddaan shacabkaygu

41.Cod mugweyn leh i siinin

42.Maksabkooda ku gaadhin

43.Masalahaan u sarreeya

44.Iyagoo ka maqsuudana

45.Mahad laygu guddoomin

46.Madaxweyne ku raago

47.Maamul aysan lahaynoo

48.Intaan maafiyo tuuga

49.Xildhibaan Musuqmaasuq

50.Maalku dhoobi lahaa

51.Magacna aan gadan laa

52.Madaxweyne la sheegoo

53.Maqaamkii sharafeed

54.Milgo buuran lahaynoo

55.Ma rabaan odhan laa.

 

56.Mar haddaan ma huraanka

57.Muruqaygu shaqaynoo

58.Maanku maamul karaynoo

59.Maskaxdu hawsha wadeynin

60.Waxaa moodiyo maaliyo

61.Malaayiin kala nooca

62.Arladeyda ka muusha

63.Maareyntooda aqoonin

64.Madaxweyne la sheegoo

65.Maqaamkii sharafeed

66.Milgo buuran lahaynoo

67.Ma rabaan odhan laa.

 

68.Mar haddaanan dalxiiska

69.Mushaax aanan mareynin

70.Meeshii ay naftu doonto

71.Magaalooyinka caana

72.Macaanoow dhulka hooyo

73.Moodhikaar i ilaalshiyo

74.Askar muusha dhexdooda

75.Anigoonan ka muuqan

76.Madashaan u badheedho

77.Laabtu ay muhanayso

78.Mar haddaanan karaynin

79.U muraadka dhankeeda

80.Madaxweyne la sheegoo

81.Maqaamkii sharafeed

82.Milgo buuran lahaynoo

83.Ma rabaan odhan laa.

 

84.Maahmaahbaa odhanaysa

85.Murti aad u macaanoo

86.Ama meesha ka muuqo

87.Ama Mooge ahoow oo

88.Ka maqnoow gebigeedba

89.Madal waa la tudhaayoo

90.Mar haddaan magacaasi

91.Mid ii gaara ahaynoo

92.Ninkii maamulo tuulaba

93.Madaxweynaha sheegto

94.Miisaankiisu hallaaboo

95.Macne uusan lahaynin

96.ma rabaan odhan laa.

 

Curiye: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

04/02/2014

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip