Ismaaciil Buubaa: Shacabka Soomaliland Ma Rabaan Inay Goostaan ee Waa La Afduubayaa

0
Sunday January 19, 2014 - 12:22:14 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Buubaa: Shacabka Soomaliland Ma Rabaan Inay Goostaan ee Waa La Afduubayaa

    Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo lahadlay warbaahinta maanta oo Axad ah ayaa sheegay in shacabka gobolada Soomaaliland ay hortaagan Yihiin Shaqsiyaad daneystayaal ah. Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo mar wasiirka arrimaha dibadda ka soo noqday da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo lahadlay warbaahinta maanta oo Axad ah ayaa sheegay in shacabka gobolada Soomaaliland ay hortaagan Yihiin Shaqsiyaad daneystayaal ah. Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo mar wasiirka arrimaha dibadda ka soo noqday dawladii ku-meelgaarka ee 2000 lagu so dhisay Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in Xiligaan Shacabka Reer Soomaliland aysan doonayn in ay ka go,aan soomaliya in teeda kale waxa uuna xusay in ay horboodayaan Siyaasiyiin daneystayaal ah oo loosoodiray kala qaybinta dalka soomaaliya Ismaaciil Hure waxa uu hoosta ka xariiqay in Xubnaha ugu Qayb galaya Shirka Turkiga Soomaaliland hal dhag oo kaliya wax loogu soo sheeyay laguna yiri waxaanahay dowladd madax banaan .

Buubaa waxa uu xusay in ay afduuban yihiin Shacabka Soomaliland oo ay yihiin shacab jecel midnimadda Soomaaliweyn lakiin ay horbuudayaan Shaqsiyaad aan dooneyn midnimadda umadda soomaaliyeed.

Mar uu kahadlayay Xubnaha uga qayb galaya soomaaliya Shirka wadahadalka Soomaaliya iyo maamulka soomaaliland ayaa waxa uu ku tilmaamay in aysan aheey dad aad ugu bisil ka mira dhalinta in lamideeyo Soomaaliya oo dhan.

Hadalka Ismaaciil Hure Buubaa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xili uu meel xasaasi ah maray shirka Dawlada Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ee ka socda Dalka Turkiga.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip