War ee aad uga naxeen Soomaalida Nabada Jecel

0
Wednesday April 16, 2014 - 21:25:02 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War ee aad uga naxeen Soomaalida Nabada Jecel

    Wargeysa The New Vision ee kasoo baxa Dalka Uganda ayaa soo bandhigay fadeexo la xarirta in Ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho ,ay tababar ciidan siiyeen Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeysa The New Vision ee kasoo baxa Dalka Uganda ayaa soo bandhigay fadeexo la xarirta in Ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho ,ay tababar ciidan siiyeen Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.


Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ayaa loo heestaa in dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo gaaraya ilaa 10-xubnood ay tababar ku siiyeen Xerada Jaziira ee Duleedka Muqdisho oo inta badan lagu tababaro Ciidanka Milatariga Soomaaliya.
Lt.-Gen.-Andrew-Gutti

Jackson Byabagambi oo ah dacwad ooge ayaa maalintii shalay Maxkamad kutaala Duleedka Magaalada Kampala ee Dalka Uganda, waxa uu ka sheegay in Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ay tababar ciidan siiyeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Labada Sargaal oo loo heesto in ay falkaan ku lug lahaayeen ayaa lasoo saaray Maxakmad milatari kuwaa oo lagu kala magacaabo Maj. Frank Kawero iyo Xasan Wantimba, waxaana ragan oo ahaa Tababarayaal ciidan loo heestaa in ay tababar siiyeen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Jackson Byabagambi ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed uu diiday dagaalyahanada katirsan Al-Sbaab ee tababarka la siinayay , waxa uuna taliyaha u sheegay tababarayaasha in aysan ragaan aqoon ayna ku jirin liiska Ciidanka Dowlada loo tababarayo.

Labada Nin ee Dacwada loo heesto ayaa Taliyaha Ciidanka u sheegay in ragan ay tababarka sii qaadanayaan ayna jirin wax dhibaato ah oo ka imaaneysa , Marqaatiyaal ayaana sheeay in Macalimiinta markii ay tababarka u dhameeyeen ragan katirsanaa Shabaab la siiyay lacago lagula heshiiyay.

Fadeexadan ayaa noqoneysa mid kale oo cusub oo kusoo baxday Ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Dalka Soomaaliya , dhawaan ayey aheed markii askari katirsan Ciidamada AMISOM uu shaaciyay in jiritaan Al-Shabaab iyo in Soomaaliya dagaal kasii socdo uu dan ugu jiro Ciidamada AMISOM ayna ku helayaan qarashaad badan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip