Xiriirki Somaliya iyo Kenya oo halki ugu xumeed gaaray iyo M/Somaliya oo Dareenka shacabka Banaanka keenay

0
Tuesday April 29, 2014 - 13:05:00 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirki Somaliya iyo Kenya oo halki ugu xumeed gaaray iyo M/Somaliya oo Dareenka shacabka Banaanka keenay

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay si rasmi ahaan uga hadlay Falalka ay Boliska Kenya ku raafaan dadka Soomaalida iyo xariga loo geystay Qunsulka Guud ee Somalia u fadhiya Kenya, Siyaad Maxamuud Shire.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay si rasmi ahaan uga hadlay Falalka ay Boliska Kenya ku raafaan dadka Soomaalida iyo xariga loo geystay Qunsulka Guud ee Somalia u fadhiya Kenya, Siyaad Maxamuud Shire.
Madaxweynaha ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu dhigiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kulan khaas ah kula yeeshay Aqalka Madaxtooyadda ee magaalladda Jabuuti.

"Waa wax laga xumaado falalkaasi, haatan La-tashiyo ayaan la leenahay Safiirka iyo Qunsulka Guud ee Somalia u jooga Kenya” ayuu yiri Madaxweynaha oo xusay in natiijadda ka soo baxaan Kulamadaasi daaha laga rogi doono.

Madaxweyna Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Jabuuti waxay kaloo ka wada hadleen xiriirka labada dal, Hawlgalladda AMISOM iyo Natiijooyinkii ka soo baxay Shirka Ammaanka Qaaradda Afrika ee lagu qabtay Ethiopia.

Kulanka Labada Madaxweyne oo socday muddo dhowr saacadood, ayaa u muuqday mid xasaasi ah oo looga hadlay Qoddobo badan oo muhiim ah.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dadaal ugu jiro sidii loo qaboojin lahaa xiisadda Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya, isla markaana khilaafka lagu xaliyo wada-hadal siyaasadeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo uu ka mid ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Burci Maxamed waxay galabta dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Guddoomiyaha Barlamanka Federalka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” oo isagu dhawaan Lahjad Siyaasdeed kulul kaga hadlay Tacadiga ay Kenya u geysteen Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay Nairobi.

Isku soo duubo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ayaa waxa moodaa ugu dambeenti in dareenka kacsan ee shacabka Soomaaliyeed ee si diiran umaqleen loogana fadhiyo is badal xoog leh oo ee ku diirsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool wadanka Kenya gaar ahaan Soomaaliya

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip