Gabayga:6AAD " HALAAG " ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Wednesday June 18, 2014 - 00:02:01 in Maqaallo by Web Admin
  • Visits: 1826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:6AAD " HALAAG " ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabayga Shanaadee ee silsiladda "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabayga Shanaadee ee silsiladda "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa :- HALAAG” bogasho wacan.

 

1. Suugaan rag baa hawl u gala, Hiirta Waabariye

2. Heesana rag baa tirinayoo, Lagu Halleeyaaye

3. Aniguna Hilaaddiisa gabay, Hadalka aan dhiibo

4. Halaag iyo dhibaataan marniyo, Holac dagaaleede

5. Reerkii horwayn maalayana, Dharag la heehaabye.

6. Ku kaloo ka hooseesaya buu, Sii handadaaye

7. Dulmigaa hadheeyay wataan, had iyo goortiiye.

8. Beel wali waxay ku hammidaa, Waa Halyay dila’e

9. Hindisaha Qabiilnimo intaan, Wada Habaynayno

10. Qarannimo inaan haybinnaa, Ila habboonayde

11. Hubaal weeye nabaduna inaan, hawl ku bixinnaaye.

12. Hoos iyo hadh weeyaan cadligu, Haqab-tir weeyaane.

13. Anaa hadhay se loomaba hadloo,Hoorshay Gabaygiiye

14. Nin walboow horseed baa tahaye, hiilka Qaran muuji

15. La dagaalan hayb-haybta iyo, Hebel la taageero

16. Haldoornimo ragyahaw muujiyoo, hadafka meeleeya

17. Haadaanta laga hooban karo, Hubiya oo eega

18. Anna hadalka soo gaabiyee, Tabiya Hawraartan

Gabayga:- HALAAG

 
Curiye:- Axmed Siciid Warsame ( axmed Ciroowe)

 
Fiiro Gaar ah:-

Haddaad dooneyso inaad ka qayb qaaddato Silsiladdan waxaad ku soo gudbin kartaa Gabaygaaga, Bogga Facebooga, ee "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" ama Emailada kala ah:

Xasan Abiib Faarax (Xasan Daaci)Daaci77@hotmail.com

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.Galayr1977@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip