Gabayga:7AAD " Qabiil iyo qabyaalad " ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Thursday June 19, 2014 - 19:38:19 in Maqaallo by Web Admin
  • Visits: 7617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gabayga:7AAD " Qabiil iyo qabyaalad " ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa " Qabiil iyo qabyaalad ” bogasho wacan.

 
1. Qofba aragtidii buu hadlaa, qorina qiiqiiye

2. Qaddarkiis ka badan awrku waa, dheelli qubayaaye

3. Qalad waxaw taqaanbaa midkale, qurux ku sheegaaye

4. Ruux walbaba qumanihiisibaa, qoorta loo suraye

5. Nin qab weyn mid kale oon uqabin, ways qallacayaane

6. Qalbigii insaan Eebbahay, qaybi fahamkiiye

7. Qorshihiyo ujeedkaan rabaan, soo qaddimayaaye

8. Dhegihiinna iiquura waad, wada qancaysaane


9. Afartaas maah-maah qaayaliyo, qani afkeenii dheh

10. Qumbe subaga, qarrog caana geel, kuu qotoma meel Dheh

11. Dhaydoo qabow iyo karuur, qalacsigiisii dheh

12. Afar kalana qoontiyo bugtada, maal ka qubideed dheh


13. Qawmiyad islaamaynu nahay, qeexid shacabkiiye

14. Sunni qawlki nebigood fushiyo, qaalis baan nahaye

15. Diinta duul quweeyaanu nahay, gaalo qaar noqone

16. Dhaqan quruxle baan leenihiyo, qaab wanaag badane

17. Martisoorka qoomka ugu wacan, qaabil waynaga e

18. Magan iyo quweynteedna waa, qurux ku faankeene

19. Isqaddarinta xididkoo kalgacal, kala qaloonaaya

20. Qawl xishood anshaxa muujintiyo, qirid xushmayntooda

21. Qoollaalin eegmada daymada, hoosta u qandoodka

22. Waa edeb qaddiimoo dadkani, qayb uleeyahaye

23. Haddiise aan qullaafyada xun iyo, qaab darrada sheego

24. Qawlkii ilaah iyo xaddiis, suubbanuhu qeexay (scw)

25. Qaanuunka noo qoran ma noqon, qaalis labadaase

26. Qof wuxuu fakaray laguma dhaqo, muumin diin qiraye

27. Taasina qilaaf bay dhashiyo, qaxarka maantaahe

28. Caro qaaddir keenaa darteed, dhiig qul-qulayaaye

29. Roobkiina samadii ma qubin, qarax dhulkeeniiye

30. Quud ay cunaan waaye oo, duunyo qiil malehe

31. Qabno waxaan lahayn waa kuwaas, daadsan qalawgiiye

32. Shacabkiina qaatil baa halligay, qaybi idilkoode

33. Qabiil iyo qabyaaladina waa, laba qaraabaahe

34. Haddii ruuxa qoladiisa aan, qabar laguu sheegin

35. Qorshe gaara uma leexiseen, hiil uqalabayne

36. Qufac iyo dhukaan iyo ka daran, qaaxo iyo booge

37. Qabatoonka nabarkiisu waa, midaan qarsoonayne

38. Qoys aabbe keliyaa bahnimo, loo qallacayaaye

39. Waa qurubka ugu liita hayb, qoonsimada jaane

40. Bah qundhoco dab kala qaadashadi, jooje reer qurace

41. Aano qurunta muu laha qabiil, gawrac qaayiba e

42. Shaydaanku ciidan uu qortiyo, waa qod-qode jaane

43. Ku qal-qaali inuu duul qadfoo, qayrki soo dhaco e

44. Qalin daare weeyaan kulyoon, samuhu waw qiiqe

45. Qadan iyo nasiib xumana waa, qayb u leeyahaye

46. Qof la dilay mid aan qabar ka hayn, bay u qalayaane

47. Qabaar mooggan loxodkiyo qabriga, looga qoday iilka

48. Waxa qaashka loo daray ma oga, qiilka xaajadiye

49. dadka qoriga shiishka u qabtaa, qaaday libin weyne

50. Kuna qawlyay godobtay nin qaba, wuu qufacayaaye

51. Waana lagu quweeyaa markuu, qaanta oofsado e

52. Qiyaamaha markii laysla tagoo, qodob la weydiiyo

53. Kan wax qalay midkuu qoorjaroo, dhiiggu qubanaayo

54. Qaaddirkii abuuruu dacwada, qawl u tebiyaaye

55. Sababtuu qadiibkiyo warmaha, qoriga ii saaray

56. Bal su’aal qubxiga aan faliyo, qaabka dhagartayda

57. Isaguna qamuunyada dibnuhuu, ciil qarsanayaaye

58. Inkir iyo qabweyniyo ma taal, qooq anaa iriye

59. Xukun qadaf la’aanaa markaas, qoorta loo suriye

60. Qurgooyada naf muumina quraan, sheegyay qabarkeede

61. Qiyaamaha maxaa hawl ka dhici, waxaan qardoofayno

62. Qarnigaan casriga waxaan falnaa, ceebti waa quruxe

63. Qaangaarnay eeggoo wataa, qaarba meel dagaye

64. Calammo is qilaafaa bedelay, qoran buluugley e

65. Maro qaabsay reerkii walbaa, qaran u sheegtaaye

66. Qosol faraxle cadawgii wakaa, qiiro tumayaaye

67. Cududdaa lakala qaaday bay, wada qushuuceene

68. Qori keliya markii ay noqdaan, quusay nacabkoode

69. Waa wixii itoobiya qabsaday, qabarki waagiiye

70. Imminkana far quray ugu wacaan, madaxda qayrkoode

71. Xasuusteeni qarameed markaad, qayb kasoo xigato

72. Qamandhaco jiriiricaa kurtaa, qaadi oogada e

73. Afrikada quwadeheed midbaa, qooro naga weyne

74. Inta kale libaax qooqanoo, qaatil nagu sheegye


75. Afartaas qiyaastaan rabiyo, qaabad hadalkay dheh

76. Tusaalaha an qeexiyo runtoon, soo qamaamaday dheh

77. Afar kalana qooraansi iyo, sheeko aan qoray dheh


78. Markii naxashka lagu qaadayee, iilka loo qodayay

79. Ee kacaanku uu yiri qabiil, aasa qurunkiisa

80. Hawl wixii qabya ahaa sidii, loogu qalab qaatay

81. Iskaa wax u qabsadi taam gashiyo, beera qodadkeeni

82. Jahligoo qoraal loo rogiyo, horumar qaabaynta

83. Ina qurac haddii lagu bedelay, jaalle waa quruxe

84. Qalbiga laysu xaar oo dadkii, qayrki wada dhaafye

85. Derisyadaydu quustoo fajace, heerka qalabkay e

86. Qumanaanta waxaa ii lahayd, qoonti aan nacaye

87. Kala qaybshe weeyiyo hurgumo, caabuq soo qubiye

88. Qandho iyo xanuun aan baxayn, qabar xun weeyaane

89. Utun kuu qarsoon weeye iyo, qaras calooleede

90. Qaalalyada suntay qooshtay baa, lagu qarqoomaaye

91. Qunjuraaf wax aan kuu tarayn, sheegyay qabar jaane

92. Qal-qallooca wuxuu kaaga dhigi, toobi qurux weyne

93. Reer hebel haddii ay qabtaan, talada qoomkeena

94. Waxba kuuma quuraan ayuu, kuu qaddimayaaye

95. Markaasaad dagaal lagu qurbaxo, dirir ku qaaddaaye

96. Qori iyo qabyaalad iyo qaad, qayrkeen naga reebye

97. Saddexdaas Qa’ Oo Aan La Qaban,Reerku waa qulube

98. Soomaalaay caqliga qaaliskaa, faham ku qiimeeya

99. Quruxdaa ogow waa midnimo, lagu quwoobaaye

100. Is qabsada gacmaha waxaad tihiin, kalama quustaane.


Curiye:- Xasan Bulxan Cali
Email:- bulxan105@hotmail.com

Fiiro Gaar ah:-

Haddaad dooneyso inaad ka qayb qaaddato Silsiladdan waxaad ku soo gudbin kartaa Gabaygaaga, Bogga Facebooga, ee "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" ama Emailada kala ah:

Xasan Abiib Faarax (Xasan Daaci)Daaci77@hotmail.com

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip