Gabayga:9AAD "LADH-QABIIL " ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

0
Tuesday June 24, 2014 - 13:59:01 in Maqaallo by Web Admin
  • Visits: 1890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:9AAD "LADH-QABIIL " ee Silsiladda Dabargooynta Qabyaaladda

    Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani waa gabay ka mid silsilad suugaaneedka "Dabargoynta Qabyaaladda"Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba wuxuu ku cabiraya Aragtidiisa wuxuun sheegayaa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa mid ka mida Silsiladaa kor aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "LADH-QABIIL ” bogasho wacan.

 

1. Waxaan Laamadoodkiyo Hurdiyo, jiifba Ledi waayo

2. Oo aan Legdama oo Saq dhexe, Gogosha Laalaabo

3. Tix aan Xalay Ku luuqshaan Cabdow, Luun ka Rogayaaye

4. Nin Labaatan Jira Baan Ahoo, Laliya Suugaane

5. Hadba Xaajadii Laalantaan, Gabay Ku Liishaaye

6. Inaan Xaqa U Looggaa Waqay, Way Lillaahida.
 

7. Kashaydaa Laxiiboo Dadow , Neceb lur soomaale

8. Nin Qabiil Ku Luuf-Luufayaan, Libin Ka Gaadhayne

9. Waa Waxaan La kawlaynayaan, Labo Ku boodayne

10. Nin Walaalki Luuq ugu jiraan, Laasimayn Faraxe

11. Laagta dawliskeedi haddaan, laba lug loo soohin

12. Deg-deg waw lufoobaa markuu, Dhaguxu Leefaaye

13. Waxaan Nahay Lag iyo beer Misana, Laab kuwada Yaalle

14. Ladh Qabiil Inaga Reeba Oo, Lahashadii Daaya.


15. Hadaan Sii Luggooyoo Murtida, Lawyadaw Bixiyo

16. Gabay laaxin buuxshaan wax badan, Leeda-fuul idhiye

17. Kanse waan lingaxayoon hubsaday, Layliyoon qoraye

18. Nimanyohow Lodkaygii Xikmada, Liice oo dhige'e

19. Anna waxan u laaasimahayaa, Waa ladaadyada’e

20. Ladh Qabiil Inaga Reeba Oo,Lahashadii Daaya


21. Waxaa Dunidu ay Loolantee, Samada Laacayso

22. Layl Dumay Ayaan Kaga Jiraa, Luudayaa Keliye

23. Waxaa uu Rag Laasimay Aqoon, Laabta Galinaayo

24. Faysaloow Lodkaygii Anigu, Waan Ka Liidnahaye

25. Dadkaygana Qabiil baa Legdoo, Jebiyay Laafaaye

26. Waa Waxaa Cilmiga Laacifshee, Luray naftaydiiye

27. Ladh Qabiil Inaga Reeba Oo, Lahashadii Daaya

 

FARXAAN MAXAMED JAAMAC (CUKAASHE)

Gabayga :- LADH-QABIIL

CURIYE:- FARXAAN MAXAMED JAAMAC (CUKAASHE)

Dalka :- France …

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip