Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaga Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Xukuumada inay ka caga jiideyso in Baarlamaanka u soo gudbiso mooshinkaas ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya uu la soo daahay Mooshinkii ku dhaqanka shareecadda Islaamka ee dhawaan uu ansixiyay Golaha xukuumadda, isagoona sheegay in dhowr jeer uu kala hadlay arrinkan Ra’iisul Wasaaraha, balse uu Ra’iisul Wasaaruhu ka meermeeray.
"Waxaa nagu batay in shacabka soomaaliyeed iyo Idaacaduhuba ay na soo waydiiyaan xageebuu ku danbeeyay sharcigii ku dhaqanka shareecadda Islaamka ee xukuumaddu soo gudbiyay maxaad u haysataan, sadex barri ka horbaan u tagay Ra’iisul wasaaraha wuxuu dhahay arrintii waa diyaar sharcigu, barri igu soo noqo, markii dambe ee aan u tagay wuxuu igu yiri waxbaa si yar naga ahe igu soo noqo, waa u tagay hadana, mana aysan suura galin in wali Ra’iisul wasaaruhu uu soo gudbiyay sharciga markaas waxaa weeye shacabka waxaan u sheegayaa in sharciga ku dhaqanka shareecadda Islaamka Mooshinkii uusan wali soo dhaafin xaafiiska Ra’iisul wasaaraha oo aan baarlamaanka la horkeenin"ayuu si kulul u yiri Cusmaan Cilmi Boqore.
Golaha wasiiradda ayaa isku raacay in shareecadda Islaamka lagu dhaqo dalka, iyadoo dadka shacabka ah ee soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin in shareecadda Islaamka la isku maamulo waxaana meel marinta arrintaasi laga sugayaa baarlamaanka kadib marka la horgeeyo baarlamaanka oo ay xukuumaddu gudbiso.
Cusmaan Cilmi Boqore"oo ku eedeeyay Xukuumada inay ka Caga jiideyso meel marinta ku dhaqanka Shareecada..
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xukuumada Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid inay ka meer meereyso u soo gudbinta mooshinka ku dhaqanka shareecada Islaamka, xilli aad looga dhowrayay inuu Baarlamaanka meel mariyo, kadib markii uu