Taliyihii hore ee ciidamada Difaaca Kenya General Julius Karangi, ayaa beeniyay inuu ka dambeeyay hergelinta ciidamo amaan oo hoos taga wasaarada arimaha gudaha Kenya si ay kaga shaqeeyaan arimaha amaanka, ka hor weerarada Al-shabaab iyo dambiyada kale.
Sidoo kale taliye Karangi ayaa sheegay inuu ugu yeeray dowlada Kenya iney ciidamadeeda kala soo baxdo dalka Soomaaliya oo uu san ku talin iney sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa cadeeyay in ciidamada Kenya aysan awoodin kasii mid ahaanshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, maadaama Al-shabaab weeraro kala duwan ay ka geysteen gudaha dalka Kenya.
Taliyihii hore ee ciidamada Kenya ayaa sheegay in arinta dhanka musuq maasuqa ugu wacan tahay amni darada kusii badanaya dalka Kenya oo Alshabaab ay halkaasi ka geystaan.
"Waxaan hayaa falal ku aadan in dadka laga shakiyo iney dambiyo dilal geysteen maxkamad lasoo taago, kadib lasii daayo haddana ay dib noosoo weeraraan”ayuu yiri Mr Karangi.
Ugu dambeyn wuxuu ka hor yimid qorshaha dowlada Kenya ku dooneyso iney darbi kaga dhisto xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Gen Karangi:"Ciidanka Kenya Waa Inay Ka Baxaan Gabi Ahaan Soomaaliya"
Taliyihii hore ee ciidamada Difaaca Kenya General Julius Karangi, ayaa beeniyay inuu ka dambeeyay hergelinta ciidamo amaan oo hoos taga wasaarada arimaha gudaha Kenya si ay kaga shaqeeyaan arimaha amaanka, ka hor weerarada Al-shabaab iyo dambiyada ka