Waxaa maanta soo gabagaboobay shirweeynihii qaran ee looga tashanayay aayaha Soomaaliya, kaa oo ay kasoo qeybgaleen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Shirkan oo socday mudo
afar maalmood ah ayay madaxdu siweyn uga doodeen qodobo dhowr ah oo ay
isku hayeen, walow qaar kamid ah qodobadaasi ay adkaatay in ay xal ka
gaaraan amaba ay tanaasulaad isu sameeyaan.
Raysul wasaaraha
dowladda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo warbaahinta
la hadlay xilli isaga iyo madaxweeynaha ay ka duuli rabeen garoonka
Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in shirku soo xirmay qodobo qaar la isku
afgartay, kuwa kale ee dhimanna ay dib ambaqaadi doonaan.
Raysul
wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo sheegi doonto
xilliga la isu soo laaban doono, balse waxa uu xusay in ay jiraan qodobo
la isku mari waayay.
Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Max'uud, Raysul wasaaraha, Madaxweeyneyaasha Galmudug iyo Koonfur
Galbeed iyo xubnihii ku wehlinayay safarkooda ayaa mar qura ka duulay
garoonka Kismaayo.
Madaxweeynaha Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa isagu weli ku sugan magaalada Kismaayo.
Arintan
ayaa muujineeysa in shirkii uu kusoo idlaaday fashil, madaxda
Soomaaliyeedna ay xal ka gaari waayeen hannaanka loo marayo
doorashooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada sanadka.
Lama
garanayo tallaabada xigi doonto, balse arintan ayaa niyadjab ku ah
umadda Soomaaliya oo iyagu indhaha ku heeysay shirka ka socday Kismaayo
ee looga tashanayay aayaha dalka.
- See more at:
http://hiiraan.com/news/2016/Jan/wararka_maanta17-94538.htm#sthash.SVmTE33V.dpuf
Wax ka ogow Fashilka Shirka Kismaayo iyo Madaxda Soomaalida
Waxaa maanta soo gabagaboobay shirweeynihii qaran ee looga tashanayay aayaha Soomaaliya, kaa oo ay kasoo qeybgaleen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.