Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Oo Ku Dhawaaqay In Ay Sameysandoonaan Maamulka Goboleed U Gaar Ah

0
Wednesday July 20, 2016 - 15:21:16 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Oo Ku Dhawaaqay In Ay Sameysandoonaan Maamulka Goboleed U Gaar Ah

    Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshtay Magaalada baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in ay sameysanayaan Maamul Goboleed u gaar ah Gobolka Hiiraan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshtay Magaalada baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in ay sameysanayaan Maamul Goboleed u gaar ah Gobolka Hiiraan .

Ugaas Cali Ugaas Maxamed Ugaas Shafeec oo kamid ah Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in odoyaasha Gobolka Hiiraan ay go’aasadeen in ay sameestaan Maamul goboleed u gaar ah.

"Marka uu naga soo gaba gaboobo caleemo saarka iyo caana Shubka Ugaas Xasan, waxaan u soo jeesanaynaa oo aan ku mashquuleynaa dhismaha  Maamul  inoo gaar noo ah, Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeenka iyo Baarlamaan ayaan dhisanaynaa.” Ayuu yiri Ugaaska.

Odoyaasha Gobolka Hiiraan ayaa wali ku adkeysanaayo in aysan ka qeyb gali doonin shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisa ay taalo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Urur Goboleedka IGAD iyo Dowlada soomaliya ayaa ku guuldareystay isku dayo lagu doonayay in odoyaasha Gobolka Hiiraan lagu qanciyo ka qeyb galka Shika Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip