Madaxweynaha: "Shacabka Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe Waxaan Ugu Baaqaya Inay Dedejiyaan Dhismaha Maamul Ka Shaqeeya Horumarkooda'' + Sawirro

0
Friday September 16, 2016 - 14:10:28 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 2578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Shacabka Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe Waxaan Ugu Baaqaya Inay Dedejiyaan Dhismaha Maamul Ka Shaqeeya Horumarkooda'' + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ka furay shirka dar-dar gelinta maamul u sameynta gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ka furay shirka dar-dar gelinta maamul u sameynta gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka labada gobol oo muddo sagaal bilood ah shir uga socday magaalada Jowhar looga fadhiyo inay soo dedejiyaan dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin oo ka shaqeeya danahooda, maamulkaasina uu noqdo mid ku yimaada rabitaanka shacabka.

"Doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha nidaamka federaalka waa fududeynta, sharciyeynta iyo inay goobjoog ka noqoto sida loo fulinayo hannaankan, sidaa darteed waxaa halkaa ka cad in shacabku xor u yihiin inay rabitaankooda ku soo dhisaan maamulka ay doonayaan, soona doortaan xubnaha ugu macquulsan ee ay doonayaan inay danahooda matalaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha kula dardaarmey siyaasiyiinta iyo shacabka labada gobol inay hawlaha dib u heshiisiinta sii wadaan, is cafiyaan, iskana fogeeyaan wax kasta oo kala geyn kara shacabka walaalaha ah.

"Dib u heshiisiinta waa tiir ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dib u dhiska Soomaaliya. 

Dalkeena waxaa burburka u horseeday waa siyaasadda oo inaga qaloocantey, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la dhiso siyaasad cusub oo dadka mideyneysa, kuna dhisan sinnaan, cadaalad iyo in kheyraadka aan leenahay si wanaagsan looga wada faa’iideysto. 

Waxaa weli caqabad nagu ah aafooyinkii ay reebeen dagaalada sokeeye oo shacabkeena ku abuuray kalsooni darro iyo kala aamin bax. 

Waa inaan iska ilownaa wixii la soo dhaafey , iyadoo loo marayo hannaan dib u heshiisiin iyo is cafin ah, kadibna aan diiradda saarnaa sidii aan dalkeena u horumarin lahayn’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu aanay marnaba ka daali doonin hirgelinta nidaamka federaalka, isla markaana uu isagu shakhsi ahaan waqti iyo dadaal badan geliyay sidii loo dhisi lahaa maamulada jira, oo mararka qaar ay hawlahaasi caqabado badan ka hor yimaadeen.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay nidaam garsoor oo caadil ah oo u baahan in laga wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa, isagoo dhanka kalena uugu baaqey qolyaha weli ka maqan shirka inay ku soo biiraan madasha, oo ah halka ugu habboon ee ay ku soo gudbin karaan tabashooyinka ay qabaan.

Munaasabadda furitaanka shirka dar-dar gelinta waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe, iyo xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD.







————————-DHAMMAAD———————

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip