Yaa ka joogey siyaasiyiinta soomaalida mudaaharaadkii weynaa ee Oslo?

0
Monday November 07, 2016 - 01:24:02 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ka joogey siyaasiyiinta soomaalida mudaaharaadkii weynaa ee Oslo?

    Dad badan ayaa ilaa saaka nasoo weydiinayay su´aalo ah, xagee ka baxeen siyaasiyiintii soomaaliyeed, maxeyse uga soo qeybgali waayeen mudaaharaadkii weynaa ee shaley Oslo ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa ilaa saaka nasoo weydiinayay su´aalo ah, xagee ka baxeen siyaasiyiintii soomaaliyeed, maxeyse uga soo qeybgali waayeen mudaaharaadkii weynaa ee shaley Oslo ka dhacay.


Waxaa durba suuqa la galiyey warar ah in siyaasiyiinta soomaalida ay ka maqnaayeen banaanbixii weynaa ee shaley gilgiley Oslo. Bulshadeena waxaa dhexdeeda ku fudud in wararka beenta ah ay ku dhex faafaan.

Siyaasiyiinta shaley mudaaharaadka sida weyn uga dhex muuqdey waxey kala ahaayeen Siciid Amiin oo ka tirsan SV,Faadumo Cali Madar iyo Elvis Nwoso oo ka wada tirsan AP.

Faadumo iyo Siciid kama soo qeybgalin mudaaharaadka oo kaliya, ee waxey qeyb weyn ku lahaayeen diyaarinta, hagida iyo isku dubaridka mudaaharaadka. Labadaba min bilow ilaa dhamaad wey joogeen mudaaharaadka, iyaga oo qabowga, dabeysha iyo dhaxanta la taagnaa dhamaan dadkii kasoo qeybgaley mudaaharaadkii shaley.

Waa su´aal la isweydiin karo siyaasiyiintii kale ee soomaaliyeed maxey uga soo qeybgali waayeen, mudaaharaadka lagu muujinayo dareenka shacabka ee ku aadan go-aanka dib u qiimeynta sharciyada muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaaraya 1600. Balse yaan la dhihin siyaasi ma joogin, labadaas siyaasi kasoo qeybgalkoodana yaan la xaqirin.

Koox kale oo mudaaharaadka shaley aan kasoomuuqaan ayaa ah koox aan ugu magac-darneyden etablerte somaliske-eliten. Koox wadanka timid xili hore, dhalashada wadankana heysto 10-sano iyo ka badan, intooda badan jaamacado ka baxey, soomaalida aan soo dhexgalin, iskuna heysto iney soomaalida kale xoogaa ka sarji sareeyaan.

Kooxdan waxey jecelyihiin iney ka qeybgalaan shirarka looga hadlo gudniinka fircooniga ah, faafista cudurka aidska, biyo dhaaminta koonfurta suudaan, kufsiga gabdhaha wadanka Kongo, gargaarka wadanka Heiti iyo dhibaatada lagu hayo dadka madowga ah ee mareykanka. Hadii lagu soo hadalqaado dhibaato soomaaliyeed, markiiba waxey eeda kula deg-degaan soomaalida, iyaga oo ku tilmaamo dad maskax iyo miyir aan laheyn, aduunka iyo nolosha casriga ahna aan la jaan-qaadi karin. Saas oo tahey hadana, waxey madax ka yihiin ururo iyo hey-ado wata magac soomaaliyeed, shirarkana waxey uga qeybgalaan soomaalinimo.

Norsomnews
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip