Shaxda shisheeyaha iyo Shawr beenaadka soomaalida

0
Wednesday March 03, 2021 - 13:29:44 in Wararka by
  • Visits: 1609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaxda shisheeyaha iyo Shawr beenaadka soomaalida

    Waxaa jirta madadaalo iyo maaweelo ay wadaan kooxda Xalane oo aad moodo in ay soomaalida ogaadeen una dhabagaleen in ay yihiin, dad aan kala garqaadan, kala talo qaadan, balse shisheeyaha u nugul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jirta madadaalo iyo maaweelo ay wadaan kooxda Xalane oo aad moodo in ay soomaalida ogaadeen una dhabagaleen in ay yihiin, dad aan kala garqaadan, kala talo qaadan, balse shisheeyaha u nugul.

Ciyaarta iyo shaxda ay ciyaareen ayaa ah, hoggaankii hore ee dowladda, Madaxweynaha, Ra'iisalwasaaraha, Guddoonka baarlmaanka iyo saddex maamul oo isku dhinac ah iyo, Guddoonka aqalka sare Tartamayaasha iyo laba maamul oo isku dhinac ah.

Qolo walba waxa shisheeyuhu u sheegeen in ay iyagu yihiin kuwa mudan ee garta ku taagan "Calina gar leh, Caydiidna  gar leh" tan oo ay mid walba dhabarka ka taabteen una sheegeen waxa uu falayo.

Madaxweynihii hore, waxaa loo sheegay inuu yahay mid ku quman inuu sii joogo ilaa laga aqoonsanayo oo ugu yaraan laba sanno oo kale laga helayo, amin dhan 18 maalmood ayuu garowsan la'yahay ma tihid madaxweyne xeer iyo heshiis ku jooga, sidoo kale ma jirto cid kugu tixgelinaysa shir wicidaada, kulan sheegidaada iyo sida aad wax u rabto midna.

Dhanka kale kooxda tartamayaasha ah ayaa hal mar ka il helay in ay bannaanbax qabtaan, bannaanbaxaas oo irdo badan oo ka oodnaa furey, kaddibna  qoladii xalane ayaa u sheegtay in indhaha caalamku dhankooda u soo jeedaan, bannaanbaxana joogteeyaan.

Qolada labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland, waxa ay kansho ku heleen, Farmaajo, oo wax badan ka dhego adeygay afartii gu' ee uu joogay, mar uu cunaqabateyn saaro, dhan dhaqaale, dhan horumarineee iyo dhan socdaalba. Iyaguna maantey suryada la heleen, waxa ayna ka dhammeeyeen ammin xileedkii, wax walba uu soo saareyna afkey ciida u dareen. 

Iyagana waxaa ku taageersan falkaas qolada Xalane oo sheegay in ay gar tahay waxa ay faleen ay tahay hannaankii iyo hilinkii dimoqraadiyada.

Dadweynaha soomaalidu waa saddex, Laba qolo waxa ay ku bireysan yihiin, gar iyo gardarro labada kooxood ee xadhigjiidku ka dhaxeeyo, Qolada saddexaad waa kuwo arka isku jebinta soomaalida iyo horseed xumada haysata, qoladan waxba ciddi ka dhegaysan mayso, sidoo kale maaha kuwo wax ka qaban kara waxa taagan.

Haddaba qaabkee ay suuragal u tahay in saddex lays waafajiyo.

1.Farmaajo  oo aqoonsado in uusan madaxweyne ahayn, intuu xilka hayeyna gudan waayey inuu doorasho qabto.

2. Tartamayaasha in bannaanbaxa ay ujeedkiisi gaadheen, balse ay keenaan sidii doorasho laysku raacsan yahay raadiyaan oo isku soo jiidan labada dhinac.

3. Maamullada lixda ah iyagaa ah kuwa maanta badbaadin kara dalka ee in ay hal dhinac maraan, oo ay keenaan hannaan doorasho oo dhexdhexaad ah, iyaga oo aan Xalane tegin, cid kalena isugu yeedhin in ay kuwa Farmaajo ku hoos jiraanna ka baxaan, kuwa Tartamayaasha la jiraana ka hoos baxaan in loo dhaqaaqo in doorasho ay hoggaanka u hayaan maamulladu dhacdo.

Labada aqal ee aqalka sare iyo Baarlamaanku waa kuwa dalka halkaas dhigay, waxa aan qabaa, in laga fogeeyo talada dalka, maxaa yeelay baarlamaan iyo aqallo xisaabtamaya xilkooduna ma dhammaadeen, dalkana shisheeye ma soo farageliyeen, ee sidii digaaga sidii Farmaajo hadhuudh ugu daadinayey ayey noqdeen waxba yahay.

Dalku maanta uma baahna Keligii taliye, dagaal sokeeye, talo shisheeye iyo  shirar ma dhalays ah ah, ee tallaabo quman oo geesinno leh ayuunu baahan yahay.

Eeboow waa taada.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip