Qilaaf xaga dhulka ah oo kasoo cusboonaaday Galmudug iyo Puntland

0
Monday April 19, 2021 - 12:56:04 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qilaaf xaga dhulka ah oo kasoo cusboonaaday Galmudug iyo Puntland

    Maamulada goboleedyada deriska ah isla markaana uu sii xoogeesanayo xiriirka iskaashi ee udhaxeeyo waa Galmudug iyo Puntland ayaa waxa iminka banaanka imaanayo arin ee labada dhinac isku heestaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulada goboleedyada deriska ah isla markaana uu sii xoogeesanayo xiriirka iskaashi ee udhaxeeyo waa Galmudug iyo Puntland ayaa waxa iminka banaanka imaanayo arin ee labada dhinac isku heestaan.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka fal-celiyey heshiis cusub oo ay maamullada Galmdug iyo Puntland ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Falagle ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskaasi uu yahay mid milatari, isla-markaana ay si wadajir ah u saxiixeen wasiirada amniga ee labadaasi maamul oo daris ah.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa duray heshiiskani, wuxuuna sheegay in Puntland ay dhul ballaaran xoog heysto Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug ma carab-baabin halka uu ku yaallo dhulkaasi uu shaaciyey inuu Galmudug ‘uga maqan’ dhinaca Puntland.

"Iskaashi Milatari ayey Gaalkacyo ku kala saxiixdeen dowladaha Galmudug iyo Puntland, gaar ahaan wasiirada amniga, Fiqi iyo Galan,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Deegano Galmudug ah oo balaaran waxaa xoog ku heysta Puntland,”.

Hadalkan oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa waxaa ka dhashay fal-celin aad u xoogan iyo hadal heyn badan, balse ma jirto illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Puntland ka bixisay eedeyntaasi culus ee loo jeediyey.

Caasimada.

Warsheekh Muqdisho
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip